Puntland: Dambiile Shabaab inta qabano qabiil u sii dayn mayno

Image

GAALKACYO, Puntland - Dowlada Puntland ayaa hoos-u-dhigtey qaylo-dhaanta ka imaaneysa bulshada qaarkeed ee ku wajahan shaqsiyaadka ay Al-Shabaabnimada ugu maxkamadeyneyso waqoyga magaalada Gaalkacyo.

Cabdiladiif Muuse Nuur, gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo Sabtidii shalay ka hadlay munaasabad, ayaa carabka ku adkeeyay in aysan dhag-jalaq u siinin hadalada qabiilka ku saleysan ee ku aadan kiisaskan.

"Nimanka hadda loo qaylinayo 2012-kii bay Gaalkacyo yimaadeen. Shabaab ayaa kawaanka u furay. Dadka laaya ayaga ayaa yiri. Bastooladaha ayagaa u geday. 2012-kii ninka ay ugu dambeysay baa Shabaab wuxuu yiri shir jaraa'id qabta oo waxaad tiraahdaan wiilal baa Gaalkacyo noola haystaa. Wax aan Shabaab ahayn oo aan cadow nahay ma jiro," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay Mr Nuur, mas'uuliyiinta Puntland waxay diyaar u yihiin in ay dhaqan-geliyaan xukunada maxkamadaha kasoo saaraan shaqsiyaadka ay ku cadaato dambiyadda lagu soo oogo.

"Dambiile Shabaab ah inta qabano qabiil u siidayn mayno, Luuqadaha Argagixisaday kamid tahay in ay dadka adeegsadan fariimaha ay rabaana dhex marsadaan, cid kasta oo ay Maxkamadu xukuntana waa fulin," ayuu xusay.

Wuxuu ku daray: "Dalkan tobbankii sano ee lasoo dhaafay cidda dadka ka reebay ee argagixisada. Annaga argagixisadda reer nooma leh. Ciddii reer ugu qaraabeysana iyadday u taalaa. Argagixiso argagixiso uga aar-goosta".

Guddoomiyaha oo hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadka haatan ay maxkamadeynta ku socoto baaritaan looga soo dhex-saarey ku dhowaad 5,000 qof ayaa meesha ka saarey in ay cid gaar ah ku beegsanayaan gulufkan culus.

"Ma jirto qabiil gaar ah oo aan la dirireynayno. Cadowga kaliya aan leenahay ee argagixiso. Waxaana isku qabiil nahay nabadda, waxaan isku qabiil nahay dowladnimadda," ayuu ku nuux-nuux-saday guddoomiye Cabdiladiif.

Bishii hore ayay ahayd markii dowlada Puntland ay magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Qardho ay ku toogatay 21 kamid ahaa Al-Shabaab isla markaana ay haatan maxkamadeyn ku waddo in ka badan 10 eedeysane kale. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM