Digniin laga soo saarey sare u kaca kiisaska Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegay in guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland uu kordhay xanuunka Covid19, waliba dhimashadu ay korortay ilaa bilawgii sanadkan 2021 gaar ahaan 2 bilood ee la soo dhaafay.

Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay meelaha ugu daran ay tahay magaalooyinka waaweyn si gaar ah magaalada Galkacyo oo culayska ugu badan uu ka jiro.

Mr Xasan ayaa shacabka faray inay soo celiyaan kordhiyaana taxadarka iyagoo isticmaalaya waxyaabaha looga hortagayo sida Afxirka, kala fogaanshaha iyo yaraynta isku imaatinka aan muhiimka ahayn, sidoo kalena qofkasta oo iska shakiya uu tago xarumaha baaritaanka.

Puntland ayuu xusay in uu ka socdo tallaalka Covid19, kaasoo loogu talagalay in wajiga koowaad ay qaataan dadka waaweyn ee la nool xanuunada kala duwan, shaqalaha caafimaadka, macalimiinta iyo ciidamada Booliiska.

In badan oo ka mid ah dadka waaweyn oo khatarta ugu weyn ku yahay xanuunku ayuu tibaaxay in aysan tallaalka qaadan, "waxaana rajaynayaa inay qataan si ay uga badbaadiyaan naftooda. Wadamada caalamka tallaalka qaatay ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu hoos udhacay".

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hadii xaaladu sidaan ka sii darto, dadkuna ayaan qaadan fariimaha caafimaad aan amaro culus soo saari doono anaga oo la tashan doona guddiga heer dawladeed ee Covid19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM