Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha oo la muddeeyay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG doorashada Puntland ayaa muddeeyey xilliga la qabanayo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha degaanka sadexda degmo ee hordhaca ah Eyl, Ufeyn iyo Qardho.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay TPEC, guddiga ayaa go'aamiyey in diiwaan-gelinta ay bilaabato 16-ka bisha shanaad ee sanadkan 2021 ayna socon doonto illaa 29-ka isla bishaas.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in guddiga uu go'aankan gaarey ka gedaal markii uu latashiyo la sameeyay Ururada Bulshadda Rayidka, Ururada Siyaasadda iyo Hay'adaha Dowliga ah.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in guddiga uu dhowaan ku dhawaaqi doono maalinta ay qabsoomeyso doorashooyinka goleyaasha degaanka oo noqon doona kuwa qof iyo cod ah.

"Guddiga wuxuu sidoo kale dhowaan la wadaagi doonaa Ururada Siyaasadda iyo Bulshadda xilliga la bilaabayo howlaha la xiriira soo gudbinta musharaxiinta goleyaasha degaanka, jadwalka ololaha ururada siyaasadda, iyo maalinta doorashadda," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka uu arkay Garowe Online.

Qoraalka guddiga soo saarey oo ka koobnaa hal bog oo Af Soomaali ku qoran aya waxaa ku saxiixanaa afhayeenka guddiga doorashooyinka Puntland, Cabdinuur Sheekh Maxamuud Isaaq.

Puntland ayaa diyaar-garow weyn waxay ugu jirtaa in ay qabato doorashooyin qof iyo cod ah taasoo ay kaga gudbeyso nidaamka qabiilka ee 4.5 oo ay ku dhaqmeysay tan iyo markii dhidibada loo taagay.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM