Puntland: Doorashada gudoonka saddex degmo oo la muddeeyay

Image
Muddeyntan waxaa qeyb ka ah fariisinta goleyaasha degaanka degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl.

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa muddeysay fariisinta goleyaasha degaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl, sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sida ku xusan bayaankan, fadhigaas iyo doorashadda guddoomiyaasha degmooyinka waxay qabsoomeysaa 7 January 2022, saacaddu markay tahay 8:00am ama labo saac oo subaxnimo.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo dhammaan Xubnihii 25kii October 2021 loo doortay Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl in Wasaaraddu u asteysay fariisinta Goleyaasha 3da Degmo iyo qabashada doorashada Guddoomiyaasha Degmooyinka *27 January 2022, saacaddu markay tahay 8:00am ama labo saac oo subaxnimo*.

Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan inta fariintaani ku socoto in si waafaqsan sharuucda Puntland Wasaaraddu fududeyn doonto:

1. In fadhigaas lagu dhaariyo Xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee la doortay sida ku cad *Qodobka 22aad ee Sharciga Lambar 7.*

2. In isla fadhigaas Gole kasta iska dhex doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen iyadoo la raacayo habraaca doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee ku xusan *Qodobka 29aad ee Sharciga Lambar 7.*

3. Markii doorashadu dhacdo waxaa mar kale la dhaarinayaa Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka la doortay.

4. Fadhiyada Goleyaashu waxay ka kala dhacayaan: a) Hoolka Beeyada ee Qardho; b) Hoolka Dowladda Hoose ee Ufeyn; b) iyo Hoolka Dowladda Hoose ee Eyl. FG. Wasaaradda ayaa idin la soo wadaagaysa haddii goobta lagu qabanayo fadhiga Goleyaasha wax iska badalaan.

Ugu dambeyn, waxaa laga codsanayaa dhammaan in wakhtiga la illaaliyo.

DHAMMAAD


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM