Puntland: "Gaas ayaa qaadaya mas'uuliyadda carqalad ka dhacda doorashada" [ Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed [Faroole], oo kamid ah siyaasiyiinta sida dhow ugu dhuun-duleela arrimaha Puntland oo wareysi siiyay Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah, oo amniga iyo doorashada ay kamid yihiin.

Maxamed A. Faroole yaa codkiisa ku biiriyey walaac ku aadan in doorashadda ay dib u dhac ku timaado, maadaama Madaxwayne Gaas uusan wali caddeyn doorashada, iyo qaabka uu rabo inay u dhacdo, iyadoo taasi ay dheer tahay inuusan ilaa hadda dhisin gudiga xalinta khilaafaadka doorashada.

Wuxuu xusay in Gaas uu tirro dhowr jeer ka gaabsaday inuu bidhaamiyo dareenkiisa doorashada, xilli beelaha ay ku gudo jiraan soo xulashada Xildhibaanada Aqalka Wakiiladda.

Maxamad Cabdiraxman oo horey u soo noqdey agaasimaha ciidamada Badda Puntland ayaa ka hadlay dhibaatooyinka amniga, musharaxiinta iyo madaxda hay’addaha Amniga ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Puntland. 

Wareysiga oo dhameytiran Riix Halkaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM