Puntland: Gaas oo difacay xiriirka Imaaraadka, baaqna diray [DAAWO]

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo Isniin ah ka hadlay xiriirka Imaaraadka iyo taageerada ay siiso Ciidamada Badda Puntland ee [PMPF].

Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey maanta saldhigga Ciidamada PMPF ee gobolka Bari, ayaa Madaxweyne Gaas beeniyay in Diyaarad ay la socdeen Saraakiil Imaaraad ah lagu xannibay Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Gaas ayaa warkaasi ku tilmaamay mid been ah oo baraha bulshada lagu baahiyay, islamarkaana aysan jirin Tababariyaal dowladda Imaaraadka kala baxday Puntland, sababo la xiriira Khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

"Harun Macruuf waxa uu qorayay oo beenta ah, ee uu ka dhigayay warka inuu ka helay illo wax jira ma ahan," ayuu yiri Madaxweyne Gaas. 

Gaas ayaa kugu baaqay saxaafadda inay anshaxa ilaaliso, oo aysan baahin wararka aan xaqiiqda ahayn.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Imaaraadka uu sii wadi doono Tababarka iyo taageerada Ciidamada Puntland, waxaana uu intaasi ku daray in Imaaraadka uu yahay dal xiriir Taariikhi ah kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana uu ka caawiyo dhinaca amaanka.

"Imaaraadka waxaa nagala dhaxeeya xiriir Taariikhi ah, mudo soo jiray, kaasi oo ah mid Ganacsi iyo mid amni, oo qiimo gaar ah noogu fadhiya, oo naga mudan inaan ilaalino," ayuu yiri Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Puntland.

Isagoo sii hadlayay, Gaas ayaa xusay in Imaaraadka uu kala dhaxeeyo Puntland xiriir gaar ah, oo ah tababarka Ciidankeeda, la dagaalanka argagaxisada, burcadbadeeda iyo heshiis dhinac maalgashiga ah.

Dowladda Imaaraadka ayaa gacanta ku haysa Ciidamada Badda Puntland [PMPF], oo tiro ahaan gaaraya ku dhawaad 2,000 oo Askari kuwaasi oo tan iyo markii la aas-aasay 7 sano kahor siinaysay Tababar iyo Mushaar.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii Imaaraadka uu shaaciyay inuu joojiyay howlgalkii tababarka Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka akhri Warka.

Kadib Go'aanka Imaaraadka, dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa soo saartey qoraal ay ku baaqayso in Imaaraadka uu sii wado taageerada Soomaaliya. Halkan akhri Warbixinta.

Xiriirka Imaaraadka iyo dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa meeshii ugu hooseeyay gaarey kadib markii Ciidamada amaanka Garoonka Aadan Cadde ay qabteen 8-dii bishan lacag Imaaraadka ugu tala galay Ciidamada Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa'id ee Madaxweyne Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM