Dowlada Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan xiriirka UAE [Akhri]

Image

MUQDISHO- Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada arimaha dibada ayaa warsaxafadeed ku taariikhaysan 16 April,2018 soo saartey kaasoo ay ku sheegtey in xiriirka Soomaaliya iyo Imaraadka yahay mid soo jireen ah islamarkaana shucuubta labada dal uu ka dhexeeyso xiriir ganacsi, dhaqan iyo dhaqaale.

Warsaxafadeedkaan ayaa lagu sheegey dalka Soomaliya ay ka socdaan isbadalo dhaqaale iyo amni dowlada Imaradakana ay muhiim tahay iney ka qayb qaadato sidii loo gaari lahaa himilooyinkaas.

“ Iyadoo lama taabtaan tahay midnimada Soomaaliya hadana Dowlada Federaalka waxay soo dhoweyneysaa tageerada Isu-taga Imaraadka Carabta siiso dhinaca Sugida amniga iyo la dagaalanka kooxaha Xagjirka ah.” ayaa lagu sheegey warsaxafadeedkaan.

Dowkada Federaalka Soomaaliya ayaa dhinaca kale qoraalkaan ku sheegtey in ay soo dhoweyneyso maalgalin kasta iyadoo la marayo shuruucda dalka u dagsan.

Qoraalkaan ayaa dhinaca kale Dowlada Soomaaliya kaga hadashay lacag dhowaan wadanka Imaaradaka lagaga qabsadey madaarka Adan Caadde iyadoo sheegtey iney garowshiiyo ka bixisay in lacagtaas u socotey ciidamada dalka. Dowlada ayaa u muuqata in lacagtaan sii deyn doonto taas oo iminka lagu hayo bangiga dhexe.

Hadalka Dowlada Soomaaliya ku xaqiijineyso xiriirka Imaraadka ayaa soo baxay maalin kadib markii wadanka Isu-taga Imaraadka Carabta wakaaladiisa Wararka [WAM] qoraal lagu daabacay ku sheegtey iney joojisey tageeradii dhaqaale iyo tababbarkii ay siin jirtey ciidamo gaaraya 2407 askari kuwasoo ka howlgala magaalada Muqdisho.

Dowlada Imaaraadka ayaa sidoo kale ku sheegtey qoraalkaan in sii wadeyso tageerada iyo tababarka ay siiso ciidamada Badda Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo maalintii shaley caleemo Saar Issim dartiis uga baaqdey xerada ciidamada Badda ee Boosaaso ayaa saaka la filayaa jnuu tago halkaas isagoo xaqiijin doona sida maamulkiisa iyo shacabka mandaqadaan ugu mahad celinayaan dowlada Imaraadka gacan ka gaysatey dhismaha ciidankaan xilli baahi badan loo qabey.

Hoos Ka akhri Warsaxafadeed dowlada Federaalka oo ku qoran afka English-ka

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM