Puntland: Gaas oo kala direy golaha degaanka Galkacayo, saraakiil kale oo la magacaabey
Galkacayo, Puntland- Madaxweynaha Puntland ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saarey maanta ku kala direy golaha degaanka Degmada Galkacayo halka uu isbadal ku sameeyey ku-xigeenada Gudoomiyaha gobolka Mudug, sida warsidaha Garowe Online horey u Shaaciyey.
Gudoomiyaha Degmada Galkacayo ayaa wareegto xafiiska GO soo gaartey sheegeysaa in lagu magacaabey Maxamud Yasiin Axmad Tumey oo la dhashey ganacsade iska leh shirkad dhisme ee la yiraahdo Gaar Yasiin.
Wareegtadaan ayaa fareysa guddi loogu magacdarey Guddiga dib u eegista iyo qiimeynta Mudug in golaha degaanka ee la kala direy ku soo dhisaan muddo 7 cisho iyadoo warar aan la xaqiijin sheegayaan in Madaxweyne Gaas xilkaan la damacsan yahay xubno kale oo u qarsoon.
Wareegtadaan ayaa lagu magaacaabin Gudoomiye gobol Mudug iyadoo la rumeysan yahay inuu la sugayo Madaxweyne Gaas go"aan ka kasoo baxa golaha degaanka ee la sheegey in lagu soo dhiso asbuuc gudihiis.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xisaabiyaha wasaarada Maaliyada gobolka Mudug oo laga sugayey aan magacaabis iyada oo wararku sheegayaan inuu xilkaan sugayo dhismaha golaha Degaanka Galkacayo.
Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa mas'uuliyiin cusub usoo magacaabay gobolka Mudug iyo taliska booliiska gobolkaasi, waxaana guddoome ku-xigeenka koowaad laga dhigay Maxamud Jamac Xirsi, halka ku-xigeen labaad loo magacaabay Maxamud Ciise Warsame.
Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Mudug ayaa loo magacaabay Gaashaanle dhexe Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame, halka ku-xigeen looga dhigay Gaashaanle Cabdulqaadir Axmed Cumar.
Isbadalkaan ayaa la filayey kadib markii Madaxweynaha Puntland booqasho ku tagey magaalada Galkacayo halkaas oo ka jireen xaalad amni daro taasoo keentey in xarunta gobolka Mudug lagu laayo dadka haldoorka ah.
Warsidaha Garowe Online ayaa horey u shaaciyey in Madaxweynaha Puntland qorsheynayo in uu kala dirayo golaha degaanka Galkacayo Halkan ka akhri
Shacabka gobolka Mudug ayaa aaminsan in kala dirista iyo magacaabista saraakiisha dowlada aysan isbadal badan ka sameyneyn xaalada Galkacayo hadii aan xukuumada mas'uul iska saarin amniga gobolka iyo midka guud ee Puntland.
Dadka siyaasada Puntland la socda ayaa sidoo kale aaminsan in guuldarada xukuumada Madaxweyne Gaas ee Mudug talaabadaan dusha ka saareyso hay'adaha gobolka oo gudan waayey howlihii laga sugayey.
Madaxweynaha Gaas ayaa lagu eedeeyey in muhiimada uu saarey arrimaha Federaalka iyo Safaro wadanka dibadiisa ah isagoo ilaalwey mas'uuliyadii ka saarneyd arimaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada arimaha dibadda iyadoo maqaamkii siyaasdeed ee Puntland hoos u dhacey.
GAROWEONLINE