Puntland: Gaas oo la saftay Xaaf, eedayna u jeediyay garabka Cadaado [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Gaas, oo khudbad ka jeediyey furirtaankii shirka Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka, ayaa si buuxda ula saftay Madaxwayne Xaaf oo maamulkiisu kala qaybsan yahay.

Gaas ayaa ku eedeeyay garabka Cadaado oo ay horboodayaan Madaxwayne ku xigeenka Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cali Gacal Casir inay mas'uul ka yihiin xaaladda khalafsan ee uu maamulkaan hadda ku jiro.

Hogaamiyaha uu waqtigu ka dhamaaday ayaa la barbardhigay garabka xarunta Baarlamaanka Galmudug ku sugan maamulkii dagaalka kula galay Puntland magaalada Galkacayo ee uu hogaaminayey Cabdiweli Xuseen Guuleed.

Madaxwayne Gaas ayaa dhigiisa Xaaf ku amaaney doorka uu ka qaatay nabadeynta xarun goboleedka Mudug, halkaasi oo waqti xaadirkaan shacabka iyo maamulka si wadajir ah ushaqaynayo inkasta oo amniga uu faraha kasii baxayo.

“Waxaan ognahay in Galkacayo ay ku dagaalameen Puntland iyo Galmudug sanadkii 2015-tii. Balse, markii uu yimid Madaxwayne Xaaf way soo dhamaatey, waxaana uwacan odaytinimada uu muujiyay. Marka Galmudugta maanta jirta waxay ka wanaagsan tii shalay jirtay,” ayuu raaciyay.

Dagaaladii dhex-maray labadan maamul intii udhaxaysay 2015 iyo 2016-kii ayaa galaaftay nolasha dad badan, kuwaasi oo ay Askar kamid yihiin, halka ay ku barakaeen boqolaal kale oo Shacab ah.

“Galmudugta hadda jirta waxay ku socotaa waddo wanaagsan hadii Soomaali la rabo inay hesho nabad, nabadii loo baahnaayi waa la keenay waa tan socota, iyadda hala taageero, laakiin hadii shido la rabo dabka hala sii shido,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale, Madaxwayne Gaas oo soo hadal-qaaday xaaladda amni ee dalka ayaa muujiyay walaac nabad-gelyadda guud ee dalka, isaga oo afka ku balaariyay in dowlada ay ku fashilantay sidii maareynta iyo inay maamuladda kala shaqayso.

Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay in shirka uga furmay magaalada Garowe lagu lafaguri doono qodobo ku saabsan amniga oo ay warbixin kasoo saari doonan, wadaagista kheyraadka dalka iyo doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM