Puntland: Gaas oo sameeyay magacaabis xilli uu kursiga ka degayo

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas], ayaa isbedello iyo magacaabis cusub sameeyay xilli mudo-xileedkiisa uu kursiga ku baneynayo uga hartay 4 bilood.

Wareegtada 1aad:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 110 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Black) loo magacaabay Agaasimahad Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamed Cali Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Horumarinta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

3. Waxaa Daahir Faarax Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi Baarista ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu.

WAREEGTADA 2AAD:

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Magacaabay La-taliyaha Hay'adda Jidadka Dowladda Puntland ee (PHA).

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay La-taliyaha Hay'adda Jidadka Dowladda Puntland ee (PHA).

Xeer Madaxweyne Lr. 112 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid La-taliye Hay'adda Jidadka Dowladda Puntland ee (PHA).

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay la-taliyaha Hay'adda jidadka Dowadda Puntland ee (PHA).

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Madaxweyne Gaas ayaa mudooyinkii dambe ku mashquulsanaa magacaabis uu xilal ugu dhiibayo dad isaga ku dhaw oo horey balan-qaadyo ugu sameeyay iyo rag kale oo ku heeb ah, oo shaqooyin u abuurayo kahor inta uusan xafiiska baneynin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM