Puntland: Gaas oo xil cusub u magacaabey Cumar Faraweyne
GAROOWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Gaas, ayaa Cumar Cabdullaahi [Cumar Faraweyne] u magacaabey Taliyaha ciidanka Keydka, sida ku cad digreeto ku taariikheysan 2/10/2018 oo xafiiska Madaxweynaha kasoo baxday.
Farawayne ayaa horey usoo noqdey taliyaha ciidamada ilaaladda Madaxtooyadda iyo Gudoomiyaha gobolka Nugaal, xilkaasi oo uu 24-kii bishaan ka xayuubiyey Madaxwayne Gaas.
Magacaabista uu sameeyay Gaas ayaa qayb ka ah isbedalo uu maalmihii u dambeeyay ku sameynay hay'addaha nabad-gelyada, taasi oo aanan la ogayn qorshaha uu ka leeyahay maadaama muda xileedkiisu gabaabsi yahay.
Dabayqaadii bishii hore ee September, Gaas ayaa taliyaal cusub u magacaabey Hay'adda la dagaalanka mukhaadaraadka iyo taliska ciidamadda Xasilinta ee gobolka Nugaal.
Talaabooyinkaan ayaa imaanaya xili Madaxwayne Gaas horey loogu eedeeyay maamul xumo, musuq-maasuq, fashil dhanka amniga oo faraha ka baxaya iyo in xilalka uu magacaabayo uu u dhiibo shaqsiyaad ay reer ahaan iska dhaw yihiin.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA:
Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo
Wuxuu Xeeriyey:
Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumar Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.
Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.
-DHAMMAAD-