Puntland: Ganacsade lagu dilay Boosaaso xilli amniga sii xumaanayo

Image

BOOSAASO, Puntland - Dabley hubeysan oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Kooxda Daacish, ayaa dil qorsheysan ka fulisay magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari, ahna xarunta Ganacsiga Puntland.

Dilkan ayaa loo geystay Ganacsade lagu magacaabi jiray Axmed Cali Dalaq, kaasoo la sheegay inuu lahaa Shirkad Ganacsi oo lagu magacaabo Sabir Business center, oo ku taalla magaalada Boosaaso.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysa dilka Ganacsadaha, waxaana Illo xog-ogaal ah u sheegeen Warsidaha Garowe Online in uu diiday lacago baad ah, oo Kooxda Daacish waydiisatay, taasoo lagu soo rogay xaruntiisa Ganacsiga.

Allah ha u naxariistee Axmed Ali Dalaq ayaa la khaarijiyay Khamiistii lasoo dhaafay, waxaan dilkiisa fuliyay rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo goobta ka baxsaday, sida dad goobjoogiyeyaal ah u sheegeen GO.

Labo qof oo kale oo la socotay Ganacsdaha ayaa lagu dhaawacay weerarka, oo illaa hadda aaney jirin cid sheegatay mas'uuliyadiisa, balse saraakiisha Booliska ayaa xusay sameeyeen baaritaan, balse aan natiijadda la shaacin.

Waa dilkii ugu dambeeyay dilal is-daba-joog ah oo ka dhacayay mudooyinkii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso, iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas lagu eedeeyay inay ku fashilantay amniga Puntland.

Maalmo kahor waxaa Boosaaso ka dhacay weerar lagu dhaawacay Garsoore katirsan Maxkamadda sare ee Puntland, oo lagu magacaabo Saciid Cabdi Muumin. [Halkan ka akhri warka].

Shantii sano ee ay jirtay Xukuumadda Gaas, waxaa Puntland kusoo xoogeystay Kooxaha Arggaxisada Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo hadda lacag canshuur baad ah ka qaada Ganacsiga Boosaaso.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM