Puntland: Golihii degaanka Degmada Dangorayo gobolka Nugaal oo dhismi waayey
DANGORAYO, Puntland- Wasaarada arimaha gudaha ayaa maalintii shaley ku guuldareystey iney dhisto golaha degaanka Degmada Dangorayo kadib markii muran beelaha ah ka abuurmey xubno lagu kordhiyey tirada xildhibaanada degaanka.
Golaha degaanka Degmada Dangoroyo oo ka koobnaa 21 xubnood ayaa lagu kordhiyey 4 qof taasoo sababtey in qabaa'il kale raadiyaan iney kororsiimo taas lamid ah ka helaan golaha degaanka.
Lama oga sababta keentey in wasaarada arrimaha gudaha ogolaato in la kordhiyo golaha degaanka Degmada Dangoroyo oo kamid ah magaalooyinka darajada B kuwasoo xubnahooda Xildhibanaada golaha degaanka ka kooban yihiin 21 qof.
Xubin ka tirsan Guddiga loo xilsaarey kala xulista iyo ansaxinta xubnaha Degmada Dangorayo kaasoo ka gaabsadey magaciisa ayaa warsidaha GO u sheegey in tan iyo intii xukuumada Madaxweyne Cabdoweli xilka qabtey degmooyinka darajada A iyo B korirsiimo lagu sameeyey xubnahooda golayaasha degaanka taasoo abuurtey buuq iyo is_qab-qabsi beelaha dhexdooda.
" Korirsiimada xubnaha golaha degaanka degmooyinka labada darajo waxaa laga sameeyey kororsiimo sida Degmada Bossaso, Godob-jiraan, Buurtinle iyo kuwo kale waxaana kuligood abuureen buuq halka Degmada Bossaso gaartey in beelaha qaarkod maxkamad kaga dacwoodaan kororsiimadaan"
Dhinaca kale sababta golaha degaanka Dangorayo la dhismi waayey ayaa wararku xusayaan iney tahay iyadoo labada musharax ee Duqa Degmada dabada ka kala riixayaan xubno ganacsato ah oo fadhigoodu yahay magaalada Garowe halka uu jiro shaki ah in saraakiil ka tirsan dowlada xilkaan la rabaan musharax kamid ah xildhibanada tartamaya taasoo kalsooni daro ku abuurtey qaar kamid ah xubnaha tartamaya.
Ganacsatadaan ayaa ah kuwo raadinaya in Duqa cusub iyo midka u sharaxan xilkaan ka qaataan qandaraasyada hay'adaha caalamiga ah ugu deeqaan shacabka degmadaas.
Musharaxiinta xilkaan ayaa sidoo kale aaminsan in xubnaha lagu kordhiyey golahaan degaanka badalayaan natiijada doorashada iyadoo Duqa Degmada xilka haya rumeysan yahay iney Dani ugu jiro mid kamid ah xubnaha u taagan xilkaan.
Dib u soo noqoshada saraakisha wasaarada arrimaha gudaha ayaa warsidaha GO fahansan yahay inuu ka dambeeyey Madaxweyne Gaas isagoo ku amrey gudigaan ney kusoo noqdaan magaalo madaxda Garowe inta xaalada Degmada dageyso.
Sidoo kale xubnaha golaha degaanka Degmada Galkacayo ayaa lagu dhawaaqey maanta iyadoo dhowaan la filayo in la qabto doorashada qofka noqonaya Duqa Degmada xarunta gobolka Mudug.
Md. Gaas ayaa dhinaciisa 4 xubnood ku kordhiyey golaha Degaanka Degmada Galkacayo oo kamid ah kuwa ku jira darajada A oo xubanahooda sharciyan ka kooban 27.
Xogogaal ayaa u sheegey GO sababta xukuumada Madaxweyne Gaas u Bilowdey kordhinta xubnaha golayaasha degmooyinka Puntland ay tahay labo arimood; xukuumada oo ku guuldareyatey xakameynta Qabaa'ilka taasoo keentey iney ku maslaxdo kordhinta xubnaha; iyo musuqmaasuq aan loo meel dayin oo saraakiisha dowlada faragalin ku sameyneyso natiijada doraashada ee degmooyinka madaama heshiis kula jiraan musharaxiinta qaarkood.
Madaxweynaha Puntland oo goob joog ahaa xulistii iyo doorashadii hore ee golaha degaanka Galkacayo ayaa la filayaa inuu ka qayb galo midda la filayo in maalmaha soo socda la qabto.
Magaalooyinka Garowe iyo Bossaso oo golayaashoodii degaanka uu kala direy Madaxweynaha Puntland ayaa xulistii iyo doorashadii golayaashooda degaanka waxay qaadatey muddo Sadex bilood ah iyadoo Madaxweyne Gaas uusan goob joog aheyn mid_na.
Magaalada Galkacayo ayaa waxaa wayadii ugu dambeeyey ka dhacayey dilal loo gaysanayo dadka waxgaradka ah taasoo sababtey in golaha degaanka degmadaas la kala diro isaga oo aan waqtigiisu dhameysan.
GAROWEONLINE