​Puntland: Guddiga doorashooyinka dadban oo ka hadlay soo xulista Aqalka hoose [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Somalia gaar ahaan kuwooda heer Puntland, ayaa maanta ka hadlay halka ay marayso soo xulista Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland Nabadoon Khaliif aw-Cali oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sababta dib u dhaca keenay ku sifeeyay mid ku aadana qoondada haweenka iyo arrimo kale, wxuuna xusay inay hadda shaqadii bilaabeen islamarkaana bilaabatay diiwaangalinta murashaxiinta doonaya Xildhibaanimada.

Nabadoonka, ayaa xusay inay u yeereen ilaa 12 kursi oo ka imaanaya beelaha daga Puntland si loogu sameeyo diiwaangalin kuwaasoo dooran doona murashaxiinta ka imaanaya beelahooda.

Wuxuu xusay in horraanta bishan diyaar noqon doonaan 12 kamid ah mudanayaasha Barlamanka Federaalka ee ka imaan doona dhinaca Puntland.

Ku dhawaaqista arrintan ee Guddiga doorashooyooyinka dadban ee heer Federaal, ayaa timid kadib markii beesha Caalamka qoraal kasoo baxay lagu canaantay madaxda maamul goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka inay mas'uul ka noqon doonaan dib u dhac ku yimaada doorashada Somalia.

Dhinca kale, waxaa jira cabashooyin iyo is-qab-qabsiyo dhinaca qabaa'ilka ah oo ka taagan soo xulista Xildhibaanada iyo Ergooyinka dooranaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM