​Puntland: Haweenka oo ka hadlay liiska Aqalka Sare

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shir maanta isugu yimaadeen haweenka Puntland, waxay uga hadleen qoondada laga siiyay liiska Aqalka Sare ee madaxweyne Gaas xalay ku dhawaaqay, waxayna sheegeen inaan laga dhabayn hishiiskii madasha ee haweenka u ogolaanayay inay helaan 30%.

Kulanka oo ka dhacay xarunta PDRC, waxaa dumarka kala soo qayb galay mas'uuliyiin katirsan xukuumadda gaar ahaan wasiir ku-xigeenka Haweenka iyo Beeraha.

Caasho Geelle Diiriye oo kamid ahayd haweenkii meesha ka hadlay, ayaa sheegtay in dumarku xaq u leeyihiin in la siiyo qoondadooda, waxayna tilmaamtay inay dadaal ku jireen tan iyo markii la shaaciyay inay leeyihiin boqolkii 30%.

Waxay sheegtay inaysan ku qanacsanayn liiska madaxweyne Gaas soo magacaabay iyadoo xubnaha hadda kamuuqda Murashaxiinta la shaaciyay ku sifaysay kuwo madaxa loo galiyay siyaasiyiin magac leh oo awood ah kaga adkaanaya doorashada ay wajahi doonaan.

Waxay u mahad celisay maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegtay inuu meel saaray xubnihii haweenka.

Dhinaca kale Faadumo Jibriil oo ah madaxa hay'adda ADESO, ayaa sheegtay in haweenku yihiin kuwa dusha saarsaday mas'uuliyadda Qoyska kadib markii Aaboyaal badan ku fashilmeen maaraynta nolosha, waxayna xustay inaysan jirin wax ka mancinaya inay ka mid noqdaan siyaasadda, inkastoo ay sheegtay inaan dumarka aan lala doonayn inay xilal ka qabtaan Somalia.

Hadalkan ayaa yimid xilli maamullada dalka Somalia ku dhawaaqeen xubnahooda u matalaya Aqalka Sare waxaana xusid mudan in doorka haweenku aad u yaraa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM