Puntland: In ka badan 22-kun arday oo u fariisatay Imtixaan Shahaadi

Image
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo waqtiga ka dhacayo ayaa Garowe ka daahfuray imtixaankan.

GAROWE, Puntland - Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ee 2023 ayna sanadkan u fariisteen 22,626 arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland ayaa Sabtida maanta ah si rasmi ah u bilowday.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Garowe ka daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee midaysan oo ay fariistaan sanad kasta fasalada 4aad ee dugsiga sare iyo fasalka 8aad ee dugsiga dhexe.

Deni ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka, wuxuu xusay in Shaqooyinka dowliga ah iyo Adeega Bulsho uu si wanaagsan u socdo.

"Waxaan idiin rajeynayaa in Alle idinku guuleeyo Imtixaanka, dadaal ayaa la idiinka baahanyahay, muhiimad gaar ah ayeenu siinay Arrimaha Bulshada Hada waxaa inoo soo dhammaaday Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka 30 degmo, inta dhimana waa rajeyn inay qabsoomto," ayuu yiri Deni.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri: "Madaxweyne Deni ayaa ugu danbeyn gacantiisa ugu qeybiyey Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo Wiilasha iyo Gabdhaha imtixaanka u fariistay u rajeeyay in alle u fududeeyo".

Xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo xileedkeeda uu bilooyin ka haray ayaa waxaa wax lagu dhaleeceeyay wax-ka qabasho la'aanta heerka shaqo la'aanta dhalinyarada haysa iyo in loo abuuro Fursado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM