Puntland: In ka badan 22-kun arday oo u fariisatay Imtixaan Shahaadi

Image
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo waqtiga ka dhacayo ayaa Garowe ka daahfuray imtixaankan.

GAROWE, Puntland - Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ee 2023 ayna sanadkan u fariisteen 22,626 arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland ayaa Sabtida maanta ah si rasmi ah u bilowday.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Garowe ka daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee midaysan oo ay fariistaan sanad kasta fasalada 4aad ee dugsiga sare iyo fasalka 8aad ee dugsiga dhexe.

Deni ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka, wuxuu xusay in Shaqooyinka dowliga ah iyo Adeega Bulsho uu si wanaagsan u socdo.

"Waxaan idiin rajeynayaa in Alle idinku guuleeyo Imtixaanka, dadaal ayaa la idiinka baahanyahay, muhiimad gaar ah ayeenu siinay Arrimaha Bulshada Hada waxaa inoo soo dhammaaday Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka 30 degmo, inta dhimana waa rajeyn inay qabsoomto," ayuu yiri Deni.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri: "Madaxweyne Deni ayaa ugu danbeyn gacantiisa ugu qeybiyey Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo Wiilasha iyo Gabdhaha imtixaanka u fariistay u rajeeyay in alle u fududeeyo".

Xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo xileedkeeda uu bilooyin ka haray ayaa waxaa wax lagu dhaleeceeyay wax-ka qabasho la'aanta heerka shaqo la'aanta dhalinyarada haysa iyo in loo abuuro Fursado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM