Puntland iyo Baanka Aduunka oo isku gartey qodobo muhiim ah

Image
Image
Kulankan ayaa maanta wuxuu ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Garowe.

GAROWE, Puntland - Wasiir Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Masuuliyiin ka socday Banka Adduunka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Wafdiga ayaa si gaar ah uga socdey Barnaamijka RCF kaasoo khuseeya horumarinta dowladnimadda iyo daadejinta barnaamijka dowlad wanaaga oo Puntland ay si weyn caan ugu tahay.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii Banka Adduunku gacan uga geysan lahaa barnaamijyada dowlad wanaagga iyo Dimuqraadiyeynta.

Sida laga soo xigtey bayaanka wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, dhinacyadda ayaa si gaar ah uga shiray arrimaha daadajinta adeegga iyo Maamulka Dowladaha Hoose.

Shirka ayaa ku soo dhammaaday in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Banka Adduunku ka wada shaqeeyaan sidii lagu xoojin lahaa maamul daadajinta iyo Dimuqraadiyeynta oo Puntland si rasmi ah uga bilowdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM