Puntland iyo Czech oo iska-kaashanaya isku-dheelitirka nolosha deegaanka

Image
Wafdi ka socda Jamhuuriyadda Czech oo cilmi-baareyaal ah ayaa soo gaarey magaalada.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan  Faroole oo uu weheliyo Agaasimaha guud Shaafici Maxamuud Ismaaciil iyi masuuliyiin wasaaradda ka tirsan  ayaa xafiiska ku qaabilay Wafti  oo ay ka mid yihiin Jiří Šmíd, Sergio Matilla Fernández iyo Tomáš Mazuch oo ka socday Jamhuuriyadda Czech  ku waas oo cilmi-baaris ku sameeya barri-biyood ,xammaaratada iyo noocyo dhirta ka mid ah.

Masuuliyiinta oo Wasiirka ugu hambalyeeyey Xilka Cusub ee loo magacaabay, ayaa dhanka kalena kulanka ku soo bandhigay cilmi-baarisyo ay ka sameeyeen Soomaaliya iyo sida ay rabaan inay hadda qorshe cusub ugu baarayaan Puntland noocyada xammaaratada iyo noocyo noole oo naadir ah Puntland si loo barto loona Ilaaliyo madaama ay faai’do weyn u leeyihiin isku  dheelitirka nolosha deegaanka .

Wasiirka ayaa dhankiisa la wadaagay qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda iyo dadaalada socda ee Ilaalinta xayawaanka iyo deegaanka asagoo dhanka kalena uga mahadceliyey soona dhoweyey in la sameeyo cilmi-baaris ku aaddan Xayawaanka sida xammaaratada iyo noocyada kale ee noolaha ah si loo ilaaliyo isku-dheelitirka nolosha deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM