Puntland iyo Itoobiya oo wada beeraya malaayiin geed ah

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay ololaha beerista 4 Malyan oo Geed  oo lagu beerayo Deegaanada Puntland.

Daah-furka ololaha oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda federaalka ee Itoobiya waxa kasoo qayb galay qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland, masuuliyiinta Wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Xildhibaano,  Wasiiro iyo wakiilo ka socda Hay'addaha Caalamiga ah.

Karaash ayaa soo dhoweeyey Iskaashiga ololaha dhiraynta iyo wadashaqaynta joogtada ah ee ka dhexaysa Puntland iyo Dowladda Itoobiya, waxa uu tilmaamay in dhirtu muhiim u tahay Deegaanka iyo nolosha bini'aadamka.

Ugu dambayn, Madxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaarada deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland dadaalka ay wado ee ku aadan ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga jarista dhirta, waxaana uu kula dar-daarmay in masuuliyad weyn la iska saaro deegaanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM