Puntland iyo Sweden oo "kawada hadlay" sugida amniga Soomaalida

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Taliyaha ciidanka booliska Puntland, Maxamed Cali Xaashi, ayaa "safar shaqo" ku gaarey waddankaas.

STOCKHOLM, Sweden - Taliyaha ciidanka booliska Puntland, Maxamed Cali Xaashi ayaa booqday saldhiga caasimada ah ee Stockholm iyo xaafada ay Soomaalida ku badan taahy ee Rinkeby.

Xaashi oo booqashada ku weheliyay saraakiisha hogaanada ciidanka booliska DPL iyo saraakiisha qaybta gobolka ayaa safar shaqo ku jooga waddankan ku yaala qaaradda Yurub.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay taliska booliska Puntland oo lagu daabacay ciwaankooda Facebook-ga, taliye Xaashi waxaa soo dhaweeyay taliyaha saldhigaasi.

War-saxaaafdeedka ayaa lagu caddeeyay in wadahadalo ay dhinacyadda yeesheen waxaa diiradda lagu saarey habka mustaqbalka loo sugi karo amniga Soomaalida ku nool caasimada Sweden.

Dhinacyadda ayaa, sidda ku cad bayaanka, waxay is-dhaafsadeen aragtiyo iyo warbixino ku saabsan Soomaalida iyo iskaashi ay mustaqbalka ka yeeshaan dhanka nabad-gelyadda.

"Taliyaha ayaa inta uu joogay saldhiga xaafad Rinkeby wuxuu sidoo kale qaabilay qaar kamida Ururada Bulshada, Waxgaradka iyo Imaamka Masjidka waxayna Taliyaha uga mahadceliyeen shaqooyinka wanaagsan ee baaxada leh ee u hayo bulshada Reer Puntland. Haldoorka ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga go'antahay garab istaaga shaqada ciidanka booliska," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Sweden ayaa kamid ah wadamadda ay sida weyn ugu nool yihiin Soomaalida qurba-joogta ah. Siyaasadda ayay sanadihii ugu dambeeyay ka ciyaarayeen kaalin muhiim ah wallow gaabis jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM