Puntland: Ka hortaga dambiyada canshuuraha oo la xoojinayo

Image
Image

GAROWE, Puntland - Waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe shir ku saabsan xoojinta iyo wada shaqeynta hay’adda Booliska, Wasaaradda Maaliyadda iyo howlaha Guud.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka hawlaha Guud iyo Gaadiidka , Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Taliyaha Ciidamada Booliska, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee dakhaliga, masuuliyiin ka tirsan Dakhliga iyo Saraakiisha Ciidamada Turbataariyada.

Agaasime ku xigeenka Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Abshir Maxamed Abshir oo la hadlay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta W/Maaliyadda ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid muhiimad weyn xambaarsanaa, iyadoo ujeedku ahaa sidii looga qayb qaadan lahaa dardar galinta iyo xoojinta wada shaqeenta hayadaha fulinta.

"Shirkan wuxu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyn xoogan ay  u dhexmari lahayd hay’adaha Booliska iyo Wasaaradaha dakhliga ka shaqeeya sida Wasaaradda Maaliyadda iyo W/Howlaha guud," ayuu yiri Abshir.

Waxa uu sheegay in shirkan uu horudhac u yahay in la diyaariyo qorshe rasmi ah oo diirada lagu saarayo sidii looga wadashaqeyn lahaa dakhli uruurinta, loona xoojin lahaa awoodda ciidanka si looga hortaggo danbiyadda Cashuuraha laga gallo iyo kor u qaadista adeegga cashuur bixiyaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa kadib la soo bandhigi doonaa qorshe howleed kaasoo diirada lagu saari doono in Wasaarad kasta iyo ciidanka ay qayb uga noqon lahaayeen dakhli hagaajinta.

"Shirka waxa kasoo bixi doona qodobo aad muhiim ah kadibna waxan soo bandhigi doonaa qorshe howleed kaasoo diirada lagu saari doono sidii hayad walba ay kaalin mug leh u qaadan lahayd," ayuu xusay.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa lagu wadaa in gunaanadkiisa lagu soo bandhigo nidaam ku saabsan qaabkii Wasaaradaha iyo taliska ciidanka Boolisku ay waajibaadkooda shaqo u kala qaadan lahaayeen kadib halkaasna uu kasoo bixi doono dakhli kordhin lugu kaloonan karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM