Puntland: Kala dirista golaha degaanka magaalada Galkacyo oo laga horyimid
GALKACAYO, Puntland- Kala diristii Madaxweynaha Puntland ee golaha degaanka magaalada Galkacayo ayaa waxaa kasoo baxaya sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay diidmo ka imaaneysa qaar ka tirsan qabaa'ilka daga gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland oo wareegto ku taarikheysaneyd 03 July, 2016 kula kala direy golaha degaanka magaalada Galkacayo ayaa Gudoomiye KMG ah u magacaabey Yaasiin Axmad Tumey halka guddi qaabilsan arimahaan ka dalbey in golahaan lagu soo dhiso muddo 7 cisho ah.
Wararka warsidaha Garowe Online soo garaaya ayaa sheegaya in kala dirista golaha degaanka Galkacayo dib u bilowdey in qaar ka tirsan beelaha guddigaan ka kooban yahay wax iska waydiiyaan tirada xubnaha kaga jira golahaan.
Golaha Degaanka gobolka Mudug
Golayaasha degaanka ayaa waxaa saldhig u ah hab qaybsiga beelaha iyadoo shacabka Puntland 18 sano uu jirey mamaulkooda ku guuldareysteen in nidaamka dimoqraadiyada hirgaliyaan kaasoo suurtagalin lahaa in golyaasha dowlada Hoose si toos ah dadweynahu u soo doortaan.
Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo fursad fiican haystay markii uu ku guuleystey doorashadii dhacdey 8 Jan,2014 inuu halkeedii kasii- ambaqaado hirgalinta barnaamija dimoqraadiyada ee Puntland ayaa dib u dhac maamulkiisu ku sameeyey qorshahaan waxey sababtey inuu ku shaqeeyo weli nidaamkii guunka ahaa ee hab-qaybsiga qabiilka taasoo beelaha qaarkood aaminsan yihiin iney xaq daro ku jirto.
Golayaasha degaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland kuwasoo loo yaqaan darajada A ayaa ka kooban 27 Xildhibaan kuwasoo ay soo magacaabaan Odey dhaqameed-yada kala duwan ee qabaa'ilka wada dega degmadaas.
Degmada Galkacayo oo kamid ah magaalooyinka muranka xoogan ka taagan yahay hab qaybsiga beelaha ayaa golaheeda degaanka ka kooban yahay 27 xubnood kuwasoo qabaa'ilka u qaybsadaan sidatan; R. Bicidyahan 3 xubnood, Cumar Maxamud 14 xubnood, Leelkase 5 xubnood, Wabeneye 1, Cisman Maxamud 1, Ciise Maxamud 1, Reer Maxamud 1, Carabsaalax 1 = Tiro guud 27 xubnood.
Xubnaha Beesha Cumar Maxamuud ku leedahay golahaan ayaa sidaan kala ah; R. Madad 2 xubnood, R. Khalaf 2 xubnood, R.Xirsi 1, R.Aadan 1, Cabdi Ciise 1, R. Cabdulle 1, R.Cali Maxamad 1, Maxamad Cumar 1, Ibraahim Cumar 1, Yonis Cumar 1= 12 xubnood Cumar Maxamuud + Nuux Jibriil 1 iyo Madhibaan 1 Tiro guud 14.
Hab qaybsigaan qabiil ayaa saldhig u ah dhibaatada xukuumadihii Puntland isaga dambeeyey kala Kulmin jireen dhismaha golaha degaanka Degmada Galkacayo taasoo mar walba xalku yahay mid siyaasadeed.
Madaxweyne Gaas iyo gobolka Mudug
Madaxweynaha Puntland oo markii la doortey magaalada Galkacayo safar ku tagey ayaa ku guuleystey inuu dhiso golaha degaanka Degmada Galkacayo muddo kadib isagoo qabaa'ilka gobolka ka codsadey in diidamada tanaasul ka sameeyaan madaama uu dhalasho ahaan kasoo jeedo degaanka islamarkaana xilkaan ku cusub yahay.
Hadaba gudoomiyaha golaha islamarkaana noqonaya Duqa magaalada Galkacayo ayaa mar walba ku soo baxa dhexmara xukumadahu la sameeyaan beelaha guddigaan ka kooban yihiin iyadoo la siiyo qof kasoo jeeda qabaa'ilka tiro ahaan ugu badan degmadaas.
Siyaasada ku wareegsan kala dirista golaha degaanka Galkacayo oo aan waqtigiisa dhameysan waxey dib u soo celisey in beelaha qaarkood wax iska waydiiyaan in hab qaybsigii qabiil aan dib loogu noqon karin madaama siyaasada gobolka ee Madaxweynaha Gaas xiligaan aysan dhexdhexaad aheyn.
Kulamada ka socda Galkacyo
Garowe Online ayaa fahansan tan iyo intii golaha degaanka Galkacayo Madaxweyne Gaas kala direy in magaalada Galkacayo ka bilowdeen kulmo beelaha gobolka ka leeyihiin arimha soo kordhay. Beesha Reer Mahad oo kamid ah beelaha daga gobolka Mudug ayaa kulan ay yeesheen sharci daro ku tilmaamey kala dirista golahaan iyagoo sheegey in dhismaha golaha dambe lagu saleeyo qaabka loo dagan yahay xaafadaha magaalada Galkacayo.
Xogta an ayaa sheegeysa in odayaal ka socda beeshaan oo kulamo la qaatey Madaxweyne Gaas ka codsadeen inuusan kala dirin golahaan balse uu ka diidey.
Kulamadaan ayaa saameyn ku yeelan kara mudada Madaxweyne Gaas u qabtey in lagu soo dhiso golaha degaanka magaalada Galkacayo.
Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in 17 July, 2016 magaalada Muqdishu u ambabaxi doono halkaas kaga qayb gali doono shirarkii joogtada ahaa ee doorashada Federaalka.
GAROWEONLINE