Puntland: Khayre oo ka hadlay sida Qardho loogu soo dhaweeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Arbaco ah gaarey magaalada Qardho, ee xarunta gobolka Karkaar.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa Ra'iisul Wasaare Khayre kaga hadlay qaabkii maanta loogu soo dhaweeyay Qardho, isagoo ku amaaney shacabka magaalada "dowlad jaceyl."

"Shacabka reer Qardho waan uga mahad celinayaa soo dhaweynta qiimaha badan ee ay maanta noo sameeyeen. Magaalada Qardho oo ah Xaruntii Dhaqanka waxa iiga muuqda Dawlad Jacayl," ayuu ku yiri Khayre qoraalka Twitter-kiisa.

Magaalada Qardho oo ah xarunta dhaqanka Puntland, ayaa waxaa Khayre uu kula kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi, oo uga mahadceliyay Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan.

Amaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay kahor booqashada Khayre, oo saaka kasoo ambabaxay magaalada Garoowe, ee caasimadda dowladda Puntland.

Khayre iyo wafdi ka socda dowladda Federaalka ayaa u yimid Puntland ka qeybgalka munaasabada xuska sanad-guuradda 20aad ee aas-aaska maamulkan, oo dhici doonta maalinta berri ah, 1-da August, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM