Puntland: Kulan laga yeeshey qaboojinta colaad beeleed

Image
Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa soo agaasimay shirkan oo ka dhacay caasimada Garowe.

GAROWE, Puntland – Kulan daaranaa sidii loo qaboojin lahaa colaadda kasoo cusboonaatey Boocame iyo Birtadheer ayaa maanta ka qabsoomay magaalada caasimada u ah dowladda Puntland ee Garowe.

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay duqa magaala madaxda, Axmed Saciid, Qaasim Maxamed Cabdi, guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo nabadoonada gobolka Nugaal.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa soo agaasimay shirka, sida uu sheegay guddoomiye Qaasim, kaasoo tibaaxay in doorkooda uu ahaa isu-yeerida qaybo kamid ah kasoo qeyb-galeyaasha.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah nabadoonadii ka hadlay kulanka, waxay isku-raaceen sidii loo kala qaadi lahaa maleyshiyaadka bulshadda dirirtay iyo in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa xaalad nabad waarta.

Sidoo kale, waxay intaas ku dareen in ay si shuruud la’aan ah ku ogolaadeen in si deg-deg ah loo joojiyo xabadda isla markaana la furo wadaxaajoodyo ballaaran oo lagu heshiisiinayo dhinacyadda dagaalamay.

"Dadka qaar waxaa laga yaabaa in ay kusoo dhacdo in marka nabad laga shaqeynaayo uusan jirin dhinac laga adkaadey," ayuu yiri nabadoon ka hadlay kulanka oo adkeeyay in deg-deg loo fuliyo baaqan.

Gabagabadii, Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka qeybgaleyaasha uga mahadceliyey ogolaanshiyaha dalabkiisa ku aadan nabadeynta ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay midnimadda iyo wadajirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM