​Puntland: Markab deeq sida oo Bosaso kusoo xirtay [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay markab siday shixnad Raashin u socday Puntland, Galmudug iyo Gobolka Hiiraan kaasoo kusoo xirtay Dekedda Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Deeqdan oo ka timi waddanka Turkiga ayaa la sheegay inay gaarayso 3,500 oo tan kaasoo isugu jira Bur iyo Sonkor.

Wasiirka wasaaradda Dekedaha, gaadiidka Badda iyo la dagallanka Burcad Badeeda Puntland Cabdullaahi Jaamac ayaa Radio Garowe u sheegay in deeqdan la gaarsiin doono goobihii loogu talo galay, wuxuuna xusay in magaalada Bosaso ku suganyihiin mas'uuliyiin kasocota dhinacyada deeqdu khusayso.

Saalax ayaa sheegay in deeqdan 1,700 tan kamid ah iska leedahay dowladda Puntland halka Galmdug iyo Hiiraan leeyihiin 1,800 oo tan, wuxuuna intaas raaciyay in wali dajinteedu socoto.

Taakuladan ayaa Turkigu goobaha loo wado usoo mariyay dowladda Federalka Somalia, waxaana loogu talo galay in wax looga qabto baahiyaha soo wajahay dadka tabaalaysan ee ku sugan Puntland, Galmudug iyo gobolka Hiiraan oo muddo la daala dhacayay fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah waddamada sida gaarka ah u saacida Somalia, waxaana dhawaan magaalada Muqdishu la geeyay markab deeq siday kaasoo kasoo shiraacday magaalada Ankara.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM