Puntland: Maxaabiis Al-Shabaab la baxdey oo dib u soo qabtay

Image

GAROWE, Puntland – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland ayaa sheegay in ay dib u soo xireen qaar kamid ah maxaabiistii maleyshiyada Al-Shabaab kula baxdey weerarkii xabsiga weyn ee Boosaaso.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidankan ayaa lagu sheegay in maxaabiistii ay gacanta kusoo dhigeen ka gedaal markii ay howlgal saf-balaaran leh ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

"Ciidanka PSF oo ka fal celinayna weerarkii argagixisanimo ee cadawgu ka fuliyeen xabsiga magaalada Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay dib u soo qabqabtaan intii badnayd maxaabiistii falalka argagixisanimo ku eedaysnaa ee fakaday," ayaa lagu yiri bayaanka lagu daabacay barta Facebook-ga.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaa kale oo ay ciidamadu wadaan hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo cadowgana lagu bartimaameedsanayo".

"PSF waxay u mahad celinaynaa shacabka reer Puntland sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin ciidamadooda, cid aad ka shakidid ama wax amniga wax u dhimanaya haddii aad aragtid naga la soo xiriir 388/477," ayaa lagu soo xiray.

Bayaanka ayaan lagu caddeyn hadii uu jiro khasaaro ciidamadda kasoo gaarey howlgalkaas iyo tiradda saxda ah ee maxaabiista ay dib u soo qabqabteen.

Weerarkii xabsiga weyn ee Boosaaso oo dowladda Puntland wacad ku martay in ay talaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii ka dambeysay iyo kuwii fududeeyay ayaa sababay isbedel lagu sameeyo maamulka gobolka iyo baaris socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM