Puntland: Mideynta iyo kordhinta dakhliga dowlada oo laga shiray

Image
Image
Image
Mas'uuliyiintii ka soo qeyb gashay kulanka ayaa bogaadiyey shaqadda madaxda Wasaaradda Maaliyadda.

GAROWE, Puntland - Degmada Caluula oo ka tirsan Gobolka Gardafuu ayaa lagu qabtay kulan looga hadlay kor u qaadida dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo xoojinta wada shaqaynta Hay'adda Dowladda.

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu Duqa Degmada Caluula,Duqa Degmada Bareeda,Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda Gobolka Gardafuu, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Dekeddaha, Maamulaha dakhliga Maaliyadd, khasnajiga Wasaaradda,
Madaxa Internal Audit-ka gobolka iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.

Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobolka Gardafuu Maxamed Axmed Jeeg ayaa madaxda Gobolka iyo Degmooyinka,Madaxda Wasaaradaha, Mas'uuliyiinta Degmooyinka iyo Saraakiisha ka codsaday in lagala shaqeeyo sidii Gobolka dhanka dakhliga Bada iyo Berriga kor loogu qaadi lahaa.

"Kulankan ayaa sido kale looga hadlay mideynta dakhliga iyo in la xoojiyo wada shaqaynta Hay'addaha Dowladda ee dhanka dakhliga," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda maaliyadda.

Mas'uuliyiintii ka soo qeyb gashay kulanka ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Xasan Shire Cabdi ku bogaadiyey dadaal kooda ku aadan in dowladdu hesho Dakhli ay dalka ku maamusho ayna garab istaagi donan.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM