Puntland: Natiijada Imtixaanka dugsiyada dhexe oo la shaaciyay
GAROWE, Puntland- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanka dugsiyada dhexe kuwaasoo la qaaday bishii May 21-keedii.
Wasiirka wasaaraddaasi oo goordhaweyd warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay natiijooyinka laga helay imtixaanka iyo sida u kala badnaayeen Ardayda u fariisatay ee kasocotay gobollada kala duwan ee Puntland.
Wasaaradda ayaa go'aamo kasoo baxay ku mamnuucday natiijooyinka Dugsiyo iyo Arday galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada dhexe Puntland kuwaasoo loo cuskaday khaladaad dhinacooda ka yimi.
Hadaba hoose ka Akhriso Qoraalka arrintaasi uga hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland Abshir aw-Yusuf Ciise.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
Baahinta natiijada imtixaanka fasalka 8aad ee 2016
Sixiddii imtixaanka
Sixidda imtixaanka fasalka 8aad waxaa la bilaabat 23/07/016, waxaa ka qayb qaatay 120 macallin waxayna dhammaatay 06/08/2016.
A. Ardayda imtixaanka u fariisatay
- Wilal 4785
- Gabdho 3036
- Wadar 7821
Is bedelka ardayda ee saddexdii sano ee u dambaysay
·
Sannadka 2014
1. Lab 4332
2. Dhedig 2529
3. Wadar 6861
· Sannadka 2015
1. Dhedig 4522
2. Lab 2733
3. Wadar 7255
· Sannadka 2016
1. Lab 4785
2. Dhedig 3036
3. WAdar 7821
B. natiijadii ardayda
Gobol Wadar Gudbid Dhicid Maqane
Bari 2232 2093 115 24
Cayn 131 128 1 2
Gardafu 73 72 0 1
Haylaan 313 307 0 6
Karkaar 693 628 55 10
Mudug 2075 1952 98 25
Nugaal 1833 1693 126 14
Sanaag 319 306 8 5
Sool 152 110 0 42
Wadar 7821 7289 403 129
Dhacdooyinkii sannadkaan
Sida lala wada socdo sannadkaan waxaa dhacay fal dambiyeed wayn oo lagula kacay imtixaankii fasalka 8aad kaas oo ay gaysteen arday ka tirsan dugsiga hoose/dhexe ee tuulada Qarxis. Falkaas oo keenay fashal wayn oo ku yimid hannaankii iyo habsami u socodkii guud ahaan imtixaanaadka gaar ahaan imtixaanka fasalka 8aad.
Falkaas wuxuu sababay
In la bedelo dhammaan imtixaankii fasalka 8aad ee sannad dugsiyeedka 2016. Waxuu keenay burbur dhaqaale iyo kharashaad lama filaan ah ay ilaa hadda Wasaaraddu la dalaa dhacayso. Waxaa dhaawac soo gaaray magacii iyo sharaftii Wasaaradda oo lagu bartay hufnaan. Waxaa guud ahaan ardayda ku yimid jahwareer kasoo ifbaxay natiijadii ardayda.
Go’aamo
Haddaba, Wasaaradda waxbarashadu iyadoo ka ambaqaadaya, hagaajinta iyo hufnaanta xirfadda Imtixaanka, iyagoo ilaalinaya mustaqbalka iyo sumcadda imtixaanaadka, iyagoo dhiirigelinaya in ardayda Puntland helaan fursad isku mid ah si ay u helaan tartan isku mid ah ayaa waxay gaadhay go’aamadan soo socda;
A. Wasaaraddu waxay baabi’say natiijadii Imtixaanka dugsiga hoose/dhexe ee Qarxis ee degmada Eyl.
B. Wasaaraddu waxay aqoonsigii xarunnimada imtixaan kala noqotay tuulada Qarxis waxaana ardaydooda loo rarayaa xarumaha imtixaan ee ugu dhaw.
C. Sidoo kale waxay wasaaraddu baabi’say natiijadii imtixaanka 6 arday oo dhigta dugsiga hoose dhexe Tayo ee degmada Badhan, kuwaas oo ay ku caddaatay in ay ka boodeen 2 sano dugsiyeed.
D. Wasaaraddu waxay ku boorrinaysaa dhammaan bulsho waynta Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan sugidda ammaanka imtixaanaadka ayna ogaadaan in haddii uusan imtixaan jirin aan waxbarasho jirin.
Gebagebadii, waxaan u hambalyaynaya ardayda imtixaankaan ku guulaysatay ee fariisanaysa fasalka 1aad ee dugsiga sare, waxaana u rajaynayaa guul iyo badhaadhe. Ardayda aan ku guulaysan imtixaanka waxaan ku leeyahay ha niyad jabina, noloshuna manta kaliya ma ahan, halkaasna kuma dhammaan. Waxaa idiin haray maalmo badan insha Allaah, wax kastana waxay ku xiran yihiin dadaal ee dadaala.
Shaacinta Imtixaanka ayaan kadib dhacay waqtigii la sheegi jiray, waxaana lagusoo beegay xilli ay dib u furmeen goobaha waxbarashada.
Sababta uu u daacay ayaa wararku sheegayaan inay la xiriirto khaladaad dhacay iyo arrimo farsamo oo ku aadan sixitaanka.
GAROWEONLINE