Puntland: ​Nolosha Reer guraaga abaartii Sima ka dib [Sawirro+Warbixin]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa la isku raacsanyahay in Abaartii dhawaan Somalia ku dhufatay ay ahayd tii ugu darnayd ee dalka soo marta inta la xasuusto, waana ta keentay in loo bixiyo magaca Sima oo tilmaamaya sida dalka oo dhan ay u wada saamaysay.

In kastoo dhawaan roobkii Gu’gu xilligiisii da’ay, deeganada qaar-na uu si wacan u qabtay kuwana uu ka yaraa ayaa haddana weli ay sii muuqata raadadka Abaartaas oo aysan ka soo wada kaban dadka reer guraaga ah oo noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.

Qaar kamid ah howlwadeenada Garowe Online oo ay weheliyaan Cilmi baarayaal katirsan hay’adda PDRC ayaa safar qaatay ku maray degaano ka tirsan degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal oo ka mid ah meelaha sida darran ay abaartu u taabatay. Waxyaabaha aan aragnay waxaa kamid ah dad cayroobay oo ku nool baadiye marka laga tego Aqal Somaliga ay u hoydaan aan lahayn xeryaha xoolaha lagu xaraysto.

Deeganada ay tageen Wariyaasha GO oo iskugu jiray tulooyin iyo Kaamam ay samaysteen dad Abaarta ku xoolo beelay ayaysan in badan oo dadka xoolo dhaqatada ah waxaa ka muuqata inaysan kasoo kaban abaartii Sima.

Dadka aan la kulmay iyo maamullada deeganadan ayaa ii sheegaya in hoos u dhac uu ku yimid Xoolaha iyadoo Qoys kasta uusan haysan Duunyo taasoo keentay dhibaato ku yimid dhaqaalahooda iyo inay iska gudaan daymo ay galeen xilligii abaarta.

Dhibaatooyinka ugu waawayn ee haysata Xoolo dhaqatada ee ay badi ii shegeen waxaa ka mid ah gadiid la’aan, maadama dadka ku nool miyiga ay rartaan ama booska Gawaarida ugu jiraan Geela kiisa Lab [Awrta].

Deegannadan aan tegay oo dhammaan hoos tega degmada Dangorayo waxaa ka mid ah Uus-gure, Ceelbuh, Xaaji Khayr, waxaana ugu darnayd degaan aan ka fogayn Dangorayo oo qoysas laba boqol ka badan oo xoolo beelay ay ku noolaayeen.

Abaarta ayaa sanidihii ugu dambeeyay kusoo laablaanaysay dalka Somalia iyadoo aysan jirin qorshe looga hortagayo oo loo sameeyay dadka gaar ahaan reer Guuraaga, waxaana arrintaas dhalisay in qoysas badan oo bilo ka hor hanti badan haystay maanta ay noloshooda magan uga yihiin Alle ka sokow dad kale.

Arrintaas iyo ka faa’iidaysi la’aanta xilliyada roobka ayaa reer guuraga ka dhigay kuwo lixda bilood jilaalka-na ka cabanaya biyo la’aan waqtiyada roobkana u adkaysan waaya qul-qulka iyo daadka biyaha aan loo samayn biyo xireeno ama meel qabta Dadaadka ka dhashay Roobka.

Labadan arrimood ayaa u baahan xal noocyo badan noqon kara,kuwaasoo aan ka tilmaami karaa in reer guraagu ay wax ka bedelaan habkii hore ay xoolaha u dhaqan jireen iyo in dowladdu sameeyo biyo xireeno looga faa’idaysto wax soorka dhulka isla markaana lagu badbaado xilliyada abaaraha.

Cabdiqani Cabdullaahi

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo SSC-Khaatumo oo iskaashanaya xilli xiisad ay taagan tahay

Xasarada oo ku saabsan doorashada soo aadan ee Soomaaliya ayaa u dhaxeysa Villa Soomaaliya iyo Jubaland.

  • Puntland

    11-11-2024

  • 03:23AM

Wasiirada Puntland oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

  • Puntland

    07-11-2024

  • 01:49PM