​Puntland: Odoyaal iyo dhalinyaro kawada hadlay siyaasadda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe gaar ahaan xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC, lagu qabtay kulan is-xog waraysi ku aadan siyaasadda Somalia, kaasoo ay soo qaban qaabisay dallada dhalinyarada ee MUDAN.

Shirkan oo lagu casuumay Odoyaasha dhaqanka, dhalinyarada qaybaheeda kala duwan iyo xubno kasocday wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland, ayaa diiradda lagu saaray qaabkii dhalinyarada looga qayb galin lahaa siyaasadda dalka gaar ahaan doorashada sannadkan dabayaaqadiisa dhici doonta.

Gudoomiyaha dallada MUDAN Maxamed Muuse Maxamed ayaa sheegay in muhiimada kullanka loo qabtay ay tahay sidii loo ilalai lahaa doorka dhalinyarada ee doorashada labada aqal 2016, wuxuuna intaas ku daray in Dallada MUDAN ay markasta raadiso sidii dhalinyarada gobolka Nugaal iyo Puntland ku heli lahaayeen doorkooda doorashada.

Odayaasha , Guddiga doorashada iyo masuuliyiinta xilalka haya ayuu u jeediyey in la ilaaliyo qaybta dhalinyaradu ku leeyihiin doorashada labada aqalka.

Cali Faysal oo ka tirsan Guddiga doorashada heer Puntland ayaa sheegay inay ka go’an tahay cid walba wixii loo qorsheeyey inay helaan, isagoo tilmaamay in Haweenka iyo dhalinyarada uusan guddigu baal-marin doonin qaybtooda.

Wasiirka dhalinyarada iyo shaqada Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed oo madasha hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay lagama maar maan tahay sidii dhalinyarada uga dhex muuqan lahaayeen siyaasadda, isagoo xusay in lagu heli karo qorshahaas da'yarta oo xubno laga siiyo aqallada la dhisayo.

Cabdiraxmaan Shiikh, ayaa sidoo kale odayaasha kula dar-daarmay inay wada tashiga kasoo saaraan , qodobo waxtar uleh jiilka waddanka  usoo kacay .

Qaarkamaid dhalinyarada iyo dadkii kasoo qayb galay shirka ayaa su’aalo ku saabsan doorka dhalinyarada ee doorashada iyo sababta Odayashu u doortaan qurba joogta weydiiyey duubabka dhaqanka iyo guddiga doorashada.

Su’aalahaas ayey dhamaantoodn uga jawaabeen Guddiga iyo Odayaashu, waxaa sidoo kale kullanka laga sheegay in la dhimay lacagtii doorashada ee Haweenka labada Aqal , dad badan ayaana isweydiinaya sababta dhalinyaradana loo dhimi waayey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM