Puntland: Dadka laga soo tarxiilay Laascaanood waa 2,000

Image
Laba kun ruux oo kamid ah dadkaas ayaa dhowaan gaarey duleedka magaaladda Gaalkacyo.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah  Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay.

Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqo iyo hay’addaha kale ee dowladda in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gargaaro, ku gudbayana loo fududeeyo safarkooda.

Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay  Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Puntland, Maxamed Cabdirashiid Cali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM