​Puntland oo amarro dul dhigtay gawaarida ka yimaada Koofurta Somalia

Image

GALKACYO, Puntland- Amar kasoo baxay dowladda Puntland ayaa lagu mamnuucay in gawaarida xamuulka sida ee katimaada Koonfurta iyo Bartamaha Somalia aysan u gudbi karin magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Arrintan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay qorshayaasha lagu sugayo ammaanka, maadama sida dowladdu sheegtay weerarkii ka dhacay Galkacyo waxyaabihii lagu fuliyay lagusoo qariyay Baabuur siday Dhuxul.

Amarkan oo kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa hay'adaha u xilsaaray howshaasi la faray inay u diyaar garoobaan fulinta arrintan oo bilaabanaysa 01 September, 2016.

Dowladda ayaa sheegtay in dhammaan gaadiidka sida xoolaha iyo khudaarta aysan gudaha Puntland gali doonin illaa ay dajiyaan waxa ay sidaan si loo hubiyo.

Afhayeen xukuumadda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quran Jecel oo la hadlay Radio Garowe ayaa ka warbixiyay qorshaha dowladdu ku dhawaaqday, wuxuuna tilmaamay in wax kasta oo amniga Puntland lagu sugayo waajib ku tahay dowladda isagoo arrintan ku macneeyay mid danteedu tahay sidii loo heli lahaa xasilooni.

Go'aankan ayaa soo baxay xill aysan dowladdu caddayn weerarkii dhawaan ka dhacay magaalada Galkacyo, kaasoo galaaftay nolosha dad badan, waxaana xukuumaddu ballan qaaday inay soo bandhigi doonto ciddi ka dambaysay, balse aysan ka hor dhacayn baaritaan la sheegay inay wadaan hay'adaha amniga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM