Puntland oo Bandow ku soo rogtey magaalooyinka waaweyn

Image

GAROWE - Kulan degdeg ah oo maalintii shaley 29/03/2020 isugu yimaadeen Madaxweynaha, golihiisa wasiirada, taliye-yaasha ciidamada iyo la taliyaasha amniga ayaa waxaa ka soo baxey labo iyo toban qodob oo lagaga hortagayo faafida cudurka Coronavirus.

Shirkaan oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa lagaga hadlay sidii loo joojin lahaa faafida cudurka faraha ba'an ku haya adunka COVID-19 iyadoo talooyin kala duwan laga dhageystey hay'adaha kala duwann ee dowlada.

Warsaxafadeed ka soo baxey xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa dhamaan lagu jooiyey dhaqdhaqaaqa dadka inta u dhaxeysa Lixda Makhribnimo iyo Shanta aroornimo April 1-April 15 iyadoo dhamaan la xanibay isu-imaatanka dadweynaha iyo isu socodka gadiidka qaada shacabka kuwaas u kala socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland muddo Shan iyo toban cisho ah.

Dhinaca kale waxaa amar lagu soo saarey in lagu gubo hadii lagu arko magaalooyinka gudahooda Qaadka iyadoo in muddo ah dhinaca lugta ah mandooriyahaan ku soo galayey Puntland isagoo maalmihii ugu dambeeyey ka imaanayey dalka Itoobiya.

Qodobada shirkaan ka soo baxey oo lagu faafiyey bogga Madaxtooyada Puntland ku leedahay barta Facebook ayaa u qoraa sidatan:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM