Puntland oo beenisay ciidamo ku gadoodey duleedka Bosaso

Image

Sept 10, 2015 (GO)- Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo wareysi siiyey idaacada VOA ayaa beeniyey iney jiraan ciidamo ka tirsan Birmadka kuwaasoo ka cabanaya mushahar la'aan

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegey in ciidamadooda gadoodin islamarkanaa aysan jirin mushahar la'aan laga caban karo isagoo xusey iney xuquuqdooda helaan islamarkaana yihiin kuwa diyaar u ah difaaca dalkooda.

Warka sheegaya in ciidamadaan gadoodeen ayaa wasiirka ku tilaamey kuwa la buun-buuniyey islamarkaana uusan ka warheyn warar sheegaya inuu jirto cabsho noocaan ah.

Wareysiga Wasiirka warfaafinta ayaa yimid kadib markii maanta ciidamo ka tirsan kuwa Birmadka ka howlgala magaalada Bosaso qabsadeen bar kontrool oo ku taal magaalada Bosaso.

Ciidamadaan oo diidey iney la hadlaan saraakiil uu kamid yahay gudoomiyaha KMG ah degmada Bosaso ayaa wararku sheegayaan in rasaas ay ku fureen dhaawacdey mid ka tirsan ilaaladiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM