Puntland oo beenisay ciidamo ku gadoodey duleedka Bosaso

Image

Sept 10, 2015 (GO)- Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo wareysi siiyey idaacada VOA ayaa beeniyey iney jiraan ciidamo ka tirsan Birmadka kuwaasoo ka cabanaya mushahar la'aan

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegey in ciidamadooda gadoodin islamarkanaa aysan jirin mushahar la'aan laga caban karo isagoo xusey iney xuquuqdooda helaan islamarkaana yihiin kuwa diyaar u ah difaaca dalkooda.

Warka sheegaya in ciidamadaan gadoodeen ayaa wasiirka ku tilaamey kuwa la buun-buuniyey islamarkaana uusan ka warheyn warar sheegaya inuu jirto cabsho noocaan ah.

Wareysiga Wasiirka warfaafinta ayaa yimid kadib markii maanta ciidamo ka tirsan kuwa Birmadka ka howlgala magaalada Bosaso qabsadeen bar kontrool oo ku taal magaalada Bosaso.

Ciidamadaan oo diidey iney la hadlaan saraakiil uu kamid yahay gudoomiyaha KMG ah degmada Bosaso ayaa wararku sheegayaan in rasaas ay ku fureen dhaawacdey mid ka tirsan ilaaladiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM