Puntland oo beenisay hadal kasoo yeeray Dowladda federaalka Soomaaliya

Image
Wasiir C/wahaab ayaa sheegay in Puntland mowqifkeeda uu yahay mid aan waxba iska bedelin.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Puntland Maxamed C/wahaab, ayaa beeniyay hadalka ka soo yeeray Xasan Maclin oo ahaa in Puntland ogolaatay wadashaqeynta Villa Somalia.

Wuxuuna ku tilmaamay hadalkan mid been abuur ah. Wasiir C/wahaab ayaa sheegay in Puntland mowqifkeeda uu yahay mid aan waxba iska bedelin, wuxuuna muujiyay inay diyaar u yihiin wada hadal.

Dhanka kale, Puntland oo leh xeebta ugu dheer ee Soomaaliya ayaa ku howlan qorshe ballaaran oo lagu kor loogu qaadayo barashada ka faa'iidaysiga iyo maamulka khayraadka badda ku duugan.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland,  Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa,  ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya Jaamacadaha gudaha ay kordhin doonaan kulliyadaha lagu barto cilmiga badda si bulshada loogu jiheeyo maamulka iyo ka Faa'iidaysiga khayraadka badda.

Geesta kale,Garoowe waxaa maanta lagu dhaariyey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee gobolka Nugaal, guddoomiyayaasha iyo guddiga doorashooyinka ee degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan oo dhowaan doorashooyin qof iyo cod ah laga qaban doono.

Mas'uuliyiinta guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa xubnaha la dhaariyey ku booriyey inay si daacad iyo xilkasnimo ah uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday oo ah hoggaaminta doorashada golayaasha deegaanka ee qabsoomi doonta 23 July 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM