Puntland oo "caddeyn" ka dalbatay Wasiir Oomaar

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa "caddeyn lagu qanci karo" ka dalbatay Wasiirka Duulista Hawada xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya, Oomaar.

Puntland ayaa "been abuur iyo dhawaq dano siyaasadeed laga leeyahay" waxay ku qeexdey hadalka kasoo yeeray ee ku aadanaa in dowladda federaalka ay sababo amni uga joojisay diyaarad ka degi lahayd Garacad.

Cismaan Cali Yuusuf, agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada dowladda Puntland, ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uusan u dulqaadan karin "sumcad dilka badqabka garoomada diyaaradaha Puntlanx".

"Waxa aan ka sugaynaa Wasiir Oomaar  inuu caddayn rasmi ah ka keeno amni darrada uu  ka faafiyey Garoomada Puntland, haddii kale waxaan u arkaynaa  shiddo abuur iyo dhagar hor leh oo weerar ku ah sumcadda iyo  badqabka diyaaradaha rayidka ah ee ka hawl-gala Garoomada Puntland," ayuu yiri.

Wuxuu intaas kusii daray: "Dawladda Puntland oo kaashanaysa shacabkeedu waxay markasta u taagan tahay tayeynta garoomadda Puntland, si aan Aviation isku filan u gaadho".

Dowlada Farmaajo oo ku fashilantay in waddanka ay xilligii loo qorsheeyay ka qabato doorasho la isla ogol-yahay ayaa tan iyo inta xilka haysay siyaasadeysay isticmaalka hawada Soomaaliya.

Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Shiikh ayaa markii dalka laga saarey KMG-ka waxay bilowdey sidii loogu soo wareejin lagaa Hawada dalka oo tan iyo burburkii ay maamuleysay hay’ada QM ee la yiraahdo ICAO The International Civil Aviation Organization.

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muddo xanibaad cirka ah ku soo rogtey maamulka Kismayo kadib markii Villa Somalia loo diidey iney faragliso dorashadii ka dhacdey Jubaland ee mar kale uu ku guuleystay madaxwayne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM