Puntland oo mowqif ka qaadatay shirka Farmaajo ku baaqey

Image
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Rooble uu leeyahay go'aanada amniga iyo doorashadda [Sawir hore]

GAROWE, Puntland - Wasiirka Arrimaha Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa ka hadlay Mowqifkooda ku aadan shirkii Farmaajo uu ku baaqey, ee la filayay inuu Maanta qabsoomo, balse baaqdey.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay Wasiirka in amniga dalka iyo hogaaminta howlaha hirgelinta doorashadda uu mas'uul ka yahay Ra'iisul Wasaare Rooble, islamarkaana ay Maamullada hadii shir la qabanayo uu isaga oo kaliya u yeeri karo.

Gollaha Wadatashiga Qaran ayuu sheegay inuu gudoomiye u yahay Rooble, sidoo kalena ay Madaxda Maamullada aaminsan yihiin in dalka arrimihiisa uu mas'uul ka yahay Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta.

Wuxuu intaasi ku darey in Madaxda Maamullada ay caddeeyeen go'aankooda, islamarkaana qoraalkii ay shalay soo saareen ku sharxeen mowqifkooda khilaafka u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo.

Wasiir Dhabancad ayaa meesha ka saarey doorka Farmaajo ee Shirarka masiiriga ah ee loo qabanayo dalka, isagoo ku siyeeyay inuu yahay Madaxweyne hore, oo sharciyaddii ka dhamaatay hadda.

Hadalka Dhabancad ayaa imaanaya xili maanta Sep 18 ay ku beegan tahay mudadii Farmaajo iclaamiyay Shirka Gollaha Amniga Qaranka inuu furmayo, si warbixin looga dhageysto Fahad Yaasiin, taasoo uu kusoo bandhigay kiiska Ikraan Tahliil.

Shirka ayaa gebi ahaanba baaqdey, waxaana sii cakirmeysa xaaladda siyaasadeed ee dalka kadib markii shalay laga celiyay Fahad Yaasiin dalka Jabuuti isagoo kusoo wajahan Muqdisho, oo hadda ah la-taliyaha amaanka qaranka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM