Puntland oo cambaareysay weerarkii SL ee kolanyada Wasiirka Tacliinta

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa gudoomiyey kulanka todobaadlaha ee Golaha Xukuumada.

Shirka ayaa waxaa isbuucaan diirada lagu saarey Imtixaanaadka Shahaadiga ah, Duulaanka Soomaliland ee gobolka Sanaag, Saameynta Abaarta, iyo Warbixino Kale.

Ugu horeyn, wasaarada Tacliinta ayaa sheegtay in Imtixaanka uu si nabad ah ku bilowda kuna soo idlaaday xili wasiirada ay natiijo wanaagsan u rajeeyeen ardayda.

Laamaha amaanka iyo wasiiradii socdaalka ku tegay gobolka Snaaag ayaa warbixin u gudbiyey Golaha oo ku aadan duulaankii todobaadkaan ee ciidamada maamulka Somaliland.

Xukuumada oo si adag u cambaareysay falkaasi ayaa ku tilmaamtay mid ujeedkiisu ahaa khalkhal gelinta Imtixaanaadka, waxayna shacabka uga mahad-naqday garab istaagooda wafdiga.

Weerarka maamulka Hargeysa oo ka dhacay tuulada Damala Xagarre kaasi oo dhicisoobay ayaa lagu beegsaday kolanyo uu la socday wasiirka Waxbarashada Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Bulshada ayaa la faray in ay dadka degaanka gaarsiiso adeegyadda ay dowladdu uga baahan yihiin sida caafimaadka iyo waxbarashadda.

Guddiga Abaaraha ee Lanata Fulinta oo warbixin keenay fadhiga ayaa sheegay in ay jiraan degaano badan oo roobku ku yar-yahay, waxaana dadweynaha loogu baaqay in ay taakuleynta kusoo biiraan.

Ugu dambeyntii, waxaa warbixino ku saabsan howlaha u qabsoomay laga dhageystay wasaaradaha arrimaha bulshadda, dhalinyarada iyo cayaaraha, Cadaalada iyo Shaqada iyo Shaqqaalaha.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM