​Puntland oo dagaalka Galkacyo ku eedaysay ciidamada Dowladda Federaalka Somalia

Image

GAROWE, Puntland- War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe, ayaa looga hadlay dagaal galinkii dambe shalay ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo.

Puntland, ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in weerarkaasi iska kaashadeen ciidamada dowladda Fedraalka Somalia iyo kuwa Galmudug.

"Waxay ahayd 09 bishan markii hogaamiyaha Galmudug qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu cadeeyay in magaalada Galkacyo ay hoos imaan doonto maamulkiisa, kadibna 10-kii bishan ay mallayshiyada maamulka Galmudug oo taageero ka helaya xoogagga ciidamada Federalka Somalia ay weeraro kusoo qaadeen magaalada Galkacyo,"Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalkii dhacay ciidamada Galmudug u adeegsadeen hubka waaweyn sida; Lidka Diyaaradaha iyo qoryaha daran dooriga u dhaca kuwaasoo la sheegay inay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah iyo dhismayaashood.

Puntland, ayaa sidoo kale qoraalkan ku muujisay in magaalada Cadaado iyo Koonfurta Galkacyo lagasoo dajiyay Rasaas iyo Gawaari dagaal kuwaasoo ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka Somalia ee [SNA], waxaana la sheegay in lagu xoojiyo colaad ka hurta gobolka.

Waxay sidoo kale Puntland qoraalkeeda ku sheegtay inay arrinta ka socota Galkacyo tahay mid lagu abuurayo jawi colaadeed oo lagu carqaladaynayo doorashada dalka Somalia ka dhici doonta dabayaaqada sannadkan 2016.

Puntland, ayaa sidoo kale War-saxaafadeedkan ku caddaysay inay diyaar u tahay nabad waarta oo gobolka ka taabo-gashay, balse waxay tilmaamtay in haddi xasilooni darradu sii socoto in natiijada ka dhalata dusha u ridan doonto dowladda Federalka Somalia.

Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Galkacyo.

Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa iminka dagan, balse waxaa laga dareemayaa jawi colaadeed iyo labada maamulba kusoo daabulayaan ciidamo xooggan.

Dowladda Federalka oo maamulka Puntland ku eedeeyay colaadda gobolka ka taagan ilaa hadda kama aysan hadlin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM