Puntland oo da'yarta ku boorisay ka shaqeynta amniga iyo horumarka

Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay dhallinyarada magaalada Qardho, kulankaas oo looga hadlayey doorka dhallinyaradu ku leeyihiin horumarinta dalka.

Kulanka waxaa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ku wehlinaayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha gobolka Kar-kaar, Duqa degmada Qardho, dhallinyaro iyo marti sharaf kale.

Karaash ayaa soo dhaweeyey kulamada noocaan oo kale ah oo dhallinyaradu ay kaga hadlayaan horurmarinta Puntland iyo sidii ay qaybtooda u qaadan lahaayeen.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in dhalinyarada ku dhaqan degaanadda Puntland ay tusaale lagu daydo u yihiin dhallinyarada dhiggooda ah.

Madaxweyne Karaash ayaa dhallinyarada ku booriyey inay ka faa'iidaystaan fursadaha shaqo ee waddanka yaala, kuwaas oo ay ka midyihiin tabcashada Beeraha, Kalluumaysiga iyo farsamada gacanta.

Waxa uu uu caddeeyey in dowladda Puntland ay dhinacyadaasi xoogga saari doonto horumarintooda.

Ugu dambayn, Madaxwweyne Ku-xigeenka ayaa wuxuu da'yarta Puntland kula dar-daarmay inay ilaashadaan Amniga iyo horumarka degaanada Puntland.

Puntland State House

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM