Puntland oo dhaqan-gelineysa siyaasadda barakacyaasha

Image
Image
Image
Sidoo kale, waxaa shirka looga wada hadlay xaaladda abaaraha oo hadda deegaamada qaybtood ka jirta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaaa.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Xafiiskiisa Garowe kula kulmay qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland.

Kulanka waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, sida Amniga, Siyaasadda, horumarinta arrimaha Bulshada, arrimaha barakacayaasha iyo u diyaar-garowga dhaqangelinta siyaasadda barakacayaasha ee ay samaysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hortabinta leh ee hadda ka socda guud ahaan Degmooyinka Puntland.

Sidoo kale, waxaa shirka looga wada hadlay xaaladda abaaraha oo hadda deegaamada qaybtood ka jirta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaaa.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Maxamed Maxamuud Cali (Goojacade), waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaasha Degmooyinka Bosaaso, Qardho, Gaalkacyo, Eyl, Buurtinle iyo Banderbayla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM