Puntland oo “dib-u-celineysa" wariye Jamaal Cusmaan

Image
Sarkaal amni ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in uu saxafigan kusii jeeday buuraha Sanaag iyo Sool.

GAROWE, Puntland - Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Wariye Jamal Cisman uu weli ku jiro gacanta hay’adaha Nabad Sugida Puntland.

Jamal ayaa su’aalo lagu waydiiyay xarunta Nabad Sugida, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in hay’adaha Dowladda ay qorsheynayaan in dib loogu celin doono duulimaadkii uu ku yimid.

Sarkaal magaciisa diidey in la shaaciyo ayaa sheegey in Jamaal Osman uu ku sii jeeday buuraha gobolada Sanaag iyo Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah.

Jamaal, oo ka tirsan shaqaalaha TV-ga Channel 5, ayaa loo yaqaannaa inuu soo saaro barnaamijyo ku saabsan kooxda Al Shabaab, isagoo barnaamijkiisii ugu dambeeyey diiradda saaray degaannada ay kooxdu ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM