Puntland oo dayactireysa waddooyin ku burburay roobabkii da'ay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Kormeeray Wadada Laamiga ee xiriirisa gobolada Puntland, gaar ahaan inta u dhaxaysa Buundada Midigar iyo degaanka Sin-ujiif, taas oo bur-bur uu kasoo gaaray Roobab xoog leh oo ka da'ay Puntland. laamiga go'ay iyo burburka soo gaadhay wadada waxa ay xanibtey isu socodka dalka.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey xubno ka tirsan Goleyaasha dawladda, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa markuu kormeerkiisa dhammaystay waxa uu ka hadlay waxyeelada Waddooyinka soo gaaray, ugu horayn Allah ayuu uga mahadnaqay nimcada uu ku manaystay shacabkiisa.

Sidoo kale Kusimaha Madaxweynaha waxaa uu sheegay in daadadka roobku keeneen bur-bur xoogleh oo soo gaaray waddooyinka hal bowlaha ah, kuwaas oo dowladdu u xilsaartay guddi qiimayn ku samayn doona waxyeelada guud ee ka soo gaartay dadka, Xoolaha, Deegaanka iyo Waddooyinka goladada Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka bur-buray, waxaana uu tilmaamay in goobaha hadda waxyeelada xoogga leh ay soo gaartay 5 Sano kahor ku dhisteen iskutashi tisqaaday, iminkana si lamida taasi in la joogo wakhtigii ay kaalintooda ka qaadan-lahaayeen.

Puntland State House

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM