PL oo diidey guddiyadii doorashada iyo xuduudaha ee DF magacowdey

Image

GALKACAYO MAY 8,2015 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey oo warbaahinta kula hadley magaalada Galkacayo  kadib markii uu kasoo noqdey magaalada Kismayo ayaa sheegey in Puntland gabi ahaanba qaadacdey go'aankii maalintii shaley golaha xukuumada Dowladda Fedderaalka ku magacaabeen guddiyada garsoorka, doorashooyinka iyo xuduudda. 

HALKAAN KA AKHRI GO'AANKA XUKUUMADA DOWLADA FEDERAALKA

Ku-xigeenka Puntland ayaa sheegey in go'aankaas gabi ahaabna uu dhinac marey qodobka 111 faqraddiisa labaad ee dastuurka Dowladda Federaalka ah kaasoo sheegayay in guddiyadan magacaabistoodu tahay in lagala tashado mamaulada ka jira dalka.

Camey ayaa sidoo kale ugu baaqey maamullada kale ee ka jira Somalia inay qaadacaan guddiyada ay Dowladda Federaalku ansixisey.

May 6, 2015  ayey aheyd markii Guddoomiyihii guddiga dib u eegista dastuurka qabyada ah ee Dowladda Federaalka, Caasho Geelle Diiriye, shir-jaraa'id oo ay magaalada Galkacayo ku qabatey ay ku shaacisey inay xilkaas iska casishey. Caasho waxay sheegtay inay go'aankan qaadatey kadib markii ay qiimeysey arrimo badan.

Diidmada dowlada Puntland ayaa timid maalmo kadib markii magaalada Garowe lagu dhemeystirey shirka dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ah kasoo warmurtiyeed lagu soo saarey. HALKAN KA AKHRI

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa eedeyn dusha uga tuurey hay'adaha caalmiga ee ka howlgala Puntland kadib markii uu shegeey iney ka gaabsheen wax ka qabashada daadadkii dhowaan biyaha badan dhigey qaybo kamid ah magaalada Gaalkacayo.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM