Puntland oo diidey "sharci-daro" lagu xaraashayo shidaalka dalka

Image
Dowladda federaalka ayay ku eedeysay in ay ku adkeysaneyso "ku dhaqan sharci lagu muransan-yahay".

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland oo diidey "geedi-socodka sharci-darada ah" ee dowladda Soomaaliya bilowdey "in ay uga ganacsato" kheyraadka dabiiciga ah ee dalka gaar ahaan shidaalka ayaa ka digtey in talaabadan ay horseedo "xasilooni darro, kacdoon shacab iyo rabshado".

Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya kadib markii lagu dhawaaqay guddi loogu magacdaray "Guddiga Qandaraas Bixinta Shidaalka" oo xubnaha kamid noqdey lagu soo koobay xisbiga hogaanka taladda haya oo lagu qoray wasaaradaha ugu muhiimsan ee xukuumadda federaalka.

"Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Caalamka in ay arrimaha kheyraadka iyo Batroolka Soomaaliya ay ugula dhaqmaan si waafaqsan Dasruurka KMG ah ee DFS," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.

HOOS KA AKHRISO NUXURKA BAYAANKA

1: Ka faa’iidaysiga Khayraadka dabiicaga ah ee Soomaaliya waxaa saldhig u ah ku dhaqanka Dastuurka DFS iyo Dastuurada Dowladaha xubnaha ka ah.

2: Baarlamaanka DFS waxay Hindise Sharciyeedka ansaxiyeen iyadoo aan laga tala galin dowlaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Sidaas darted, wuxuu khilaafsan yahay habraacii uu ku ansixilahaa.

3: Dowladda Puntland waxay aad uga xuntahay in xukuumadda Dowladda Federaalku ay ku adkeysaneyso ku dhaqanka iyo hirgalinta Hindise Sharciyeedka Batroolka ee khilaafsan Dastuurka Ku Meel Gaar ka ah ee Dowladda Federaalka ah.

4: Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Caalamka in ay arrimaha kheyraadka iyo Batroolka Soomaaliya ay ugula dhaqmaan si waafaqsan Dasruurka KMG ah ee DFS.

5: Dowladda Puntland waxay ka digeysaa xasilooni-darada amni iyo siyaasadeed ee uu keeni karo dhaqan-gelinta hindise sharciyeedkan.
Dowladda Puntland qeyb kama aha ku dhaqanka hindise sharciyeedkaan ilaa iyo inta wadahadal ku saabsan ay ka yeelanayaan Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda ha Xubnaha ka ah.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM