Puntland oo diiwaan-gelinaysa xirfadlayaasha caafimaadka

Image
Image
Image
Image
Wasiirka caafimadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa xafiiskiisa kula kulmay guddiga ururka xirfadlayaasha caafimaadka Puntland qaar ka mid ah.

GAROWE, Puntland - Wasiirka wasaaradda caafimadka Dawladda Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo uu wehelinayay wasiir kuxigeenka iyo agaasimaha guud ayaa xafiiskiisa kula kulmay guddiga ururka xirfadlayaasha caafimaadka Puntland qaar ka mid ah.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Dr Mohamed Cali Maslax Gudoomiyaha guddiga iyo qaarkamid ah xubnaha guddiga waxaana kulanka madaxda wasaaradda uu daarnaa siday iskaga kaashan lahaayeen wasaaradda iyo guddigu dardargalinta diiwaangalinta xirfadlayaasha waxay sidoo kale uga warbixiyeen waxa uqabsoomay iyo halka wax umarayaan iyo caqabaha ka hor yimid oo ubaahan in si wada jir ah looga wada gudbo.

Dr Mohamed Cali Maslax ayaa ugu horayntii warbixin kooban ka siiyay madaxda wasaaradda waxa uqabsoomay tan iyo markii la magacaabay, qorshayaasha sanadka soo socda 2022 iyo caqabadaha guddiga ka hor yimid oo ay ugu horayso fahamka dadka caafimaadka ka shaqeeya guddigan iyo shaqada uu qabanayo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo ka hadlay ayaa uga mahadceliyay shaqada uqabsoontay iyo dadaalka ay galiyeen sidii wax uga dhaqaaqi lahaayeen shaqada loo igmaday oo ay ugu weyntahay helitaanka xirfadlayaasha la hubiyay oo ka shaqeeya xarumaha caafimaadka haystana diiwaangalinta guddigan mustaqbalka dhawna aysan ka hawlgali doonin xarumaha caafimaadka dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay qof aan ka diiwaangashnayn guddigan.

Wasiirka wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan oo gunaanad shirka ka hadlay ayaa ku amaanay guddigan hawsha wanaagsan oo ay qabteen iyo dadaalka xoogan oo ay ka dhaliyeen sidii shaqada ay bulshada uhayaan wax uga dhaqaajiyaan.

Wasiirku waxa uu balan qaaday in ka wasaaradda caafimaadka ahaana dhankooda diyaar uyihiin inay hirgaliyaan qorshayaasha guddiga kala shaqeeyaan sidii hawshooda ugu fududaan lahayd, caqabadaha ay xuseena si wada jirka uga wada gudbi lahaayeen.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul waxaana loo balamay in la kordhiyo kulamada noocaan oo kale ah maadaama isku wax ay ka wada shaqaynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM