Puntland oo diiwaan-gelisay kiiskii ugu horeeyay oo ah Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortaga fayruska Corona ee dowladda Puntland ayaa wuxuu maanta xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay oo cudurkaas safmareenka ah.

Warbixintooda maalinlaha ah ee 19-ka April ee sanadkan 2020 ayay ku sheegeen in muwaadinkan uu kamid yahay laba qof oo dhowaan laga baarey caabuqaas dilaaga ah.

"Bukaanka oo xaaladiisa caafimaad ay aad u fiican tahay ayaa nan sameynin wax safar ah," sidda ku xusan war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Shaqsiga kale ee la tuhmay isla markaana lala baarey bukaanka laga helay, sidda ku xusan qoraalka, ayaa natiijadiisu noqotay in laga waayey.

Sidda ku cad qoraalka, tani ayaa ka dhigan in xanuunka uu ku dhex-jiro bulshada, maadaama astaamahiisa ay yihiin kuwa iska fudud oo dadka qaar aysan aqoonsan karin.

Bayaanka ayaa intaas ku daraya in maanta oo Axad ah la karantiilay shan qof kale, oo baaritaano iyo dheecaano laga qaadi doono si loo hubiyo in ay ka badqabaan.

Bulshadda Puntland ayay cod dheer ugu booriyeen in ka fogaadaan meelaha laysugu yimaado sidda Jameecada Masaajida, Hoteelada iyo meelaha lagu cayaaro.

Somaliland iyo Jubaland ayaa horey looga soo wariyey xaalado ku saabsan Covid-19. Marka lagu daro kiiska kasoo cusboonaadey Puntland, wadarta guud ahaan wadanka waa 137.

MUUQAALKA SHAACINTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM