Puntland oo dil toogasho ku fulisay 21 ka tirsanaa Al-Shabaab

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa Axada maanta ah waxay dil toogasho ku fulisay 21 maleyshiyo oo ka tirsanaa ururka AlShabaab kuwaas oo ay xukuno ku riday maxkamadda ciidamadda qalabka sida.

Sida ay Garowe Online u sheegeen saraakiil si dhow ula socota maxkamadeynta, 18 kamid ah waxaa lagu toogtay Gaalkacyo, 2 gudaha Garowe, halka  mid kale lagu toogtay magaaladda Qardho.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu helay in ay xarunta gobolka Mudug ay ku khaarijiyeen odayaal dhaqameedyo, mas'uuliyiin dowladeed, dhalinyarro, wariyeyaal, saraakiil ciidan iyo xubno muhiim u ahaa dadweynaha.

Waa tiradii ugu dambeysay ee dowladda Puntland ama guud ahaan Soomaaliya si wadar ah xukuno dil toogasho ah loogu fuliyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda gacansaarka la leh shabakadda hubeysan ee Al-Qaacida.

"Galkacyo maanta waxaa u baryey waa cusub,waxaana xusid mudan in Argagaxiso meel ay joogtaba maanta gabalkoodu dhacey," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee barnaamijka AF-MEER oo dowladda Puntland u hirgelisay kasoo waramida maxkamadeynta shaqsiyaadkan.

Bishan June 14-keeda ayay ahayd markii maxkamada ciidamada Puntland ay xukunka ka dambeysta ah ee dilka toogashada ay ku riday shaqsiyaadkan taasoo ka dambeysay saddex asbuuc oo dood rafcaan ah.

Shabakadan oo lagu waramay in ay Al-Shabaab uga howlgalayeen magaalada Gaalkacyo tan iyo 2002-dii ayaa la sheegay in ay ka dambeyeen wadar ahaan 300 qofood oo siyaabo kala duwan loogu khaarijiyey Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM