Puntland oo dil toogasho ku fulisay xubno Al-Shabaab iyo ISIL ah

Image
Dagaalameyaasha ayaa lagu kala toogtey magaalooyinka Garowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

GAROWE, Puntland - Maxkamada Ciidamada qalabka sidda iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa saaka xukuno qisaas dil ah ku fulisay dhawr iyo toban xubnood oo ay horey ugu heshay kamid ahaanshiyaha kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish isla markaana ay dilal iyo qaraxyo ka gaysteen gudaha Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa lagu dilay shabakad ka koobnayd 6 xubnood oo kuwaasi oo maxkamadu ay sheegtay in ay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka gaysteen xarunta gobolka Sool.

Garowe ayaa lagu toogtey nin magaciisa lagu soo koobay, Shuceyb kaasi oo horey Puntland ay sheegtay in ay ku qabatay duulaankii xoogaga hubeysan kusoo qaadeen deegaanada xeebaha dhaca ee Suuj iyo Garmaal iyada oo xiligaasi cafis lagu sii daayay waxaana dib ay maxkamada ciidamadu sheegtay in uu gudaha Puntland uga gaystay dilal.

Magaalada Galkacyo, waxaa xukun dil toogasho lagu fuliyey lix xubnood kuwaasi oo ay maxkamadu ku heshay in ay dilal iyo qaraxyo ka geysteen gudaha Puntland.

Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish kuwaasi oo haatan uu guluf colaadeed kaga socdo koonfurta iyo gobalada dhexe ee Soomaaliya. Maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida waxaa kusoo wajahan wajiga labaad ee guluf ciidan kaasoo abaabulkiisa ay waddo dowlada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM