Puntland oo eedeyn cusub u jeedisay dowladda Soomaaliya

Image
Dhawaqan ayaa waxa uu ku saabsan yahay wadahadalka Somaliland iyo xaalka Laascaanood.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay cadaadis ku heyso shacabka SSC-Khaatumo inay wadahadal la galaan Somaliland, iyadoo ay weli socdaan duqeymo ay ciidamada Somaliland ka geysanayaan magaalada Laascaanood.

Puntland ayuu ku nuux-nuux-sadey taageersan tahay hadalkii ka soo yeeray Garaad Jaamac Garaad Cali ee ahaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si qarsoodi ah ugu taageerto Somaliland ololaha dagaal ee ka dhanka ah dadka SCC ee magaalada Laascaanood.

Dirir waxa uu walaac ka muujiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u muuqdo mid diirada saaraya inuu wada hadal la furo Somaliland halkii uu ka hadli lahaa xaaladda cakiran ee Laascaanood.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay saacado ka dib markii Golaha Sare ee SSC-Khaatumo ay raaligelin siiyeen dawladda Faderaalka, ka dib markii ay dhaleeceyn kala kulmeen Ugaaska guud, ahna hoggaamiyaha 33-ka xubnood ee golaha dhaqanka SSC Garaad Jaamac Garaad Cali.

Golaha SSC-Khaatumo waxa ay ku nuuxnuuxsadeen in aanay dawladu la simin dadka ka shaqaynaya midnimada Soomaaliya iyo kuwa u dooda qadiyada madax-banaanida Somaliland.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in xukuumaddu gacan ka geysato gurmadka dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Laascaanood.

Horaantii bishaan, Garaad Jaamac Garaad Cali oo shir ku qabtay magaalada Nairobi ayaa si cad uga horyimid dowladda federaalka oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo uu ku eedeeyay inay gacan ka geysteen burburinta iyo duqeymaha Laascaanood.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa ah mid kacsan, iyadoo eedeymo ay hawada isku marinayaan Somaliland iyo Puntland oo ku aadan inay sii huriyeen dagaalka socda.

Tan iyo 6-dii bishan February waxaa magaalada Laascaanood ka socday dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland iyo dadka degaanka ee midnimada doonaya.

Todobaadkan ayay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ku eedaysay ciidamada Puntland oo garab ka helaya kooxaha isbahaysiga ah iyo kooxaha argagixisada ah inay weerareen fariisimada ciidamada Somaliland ee gobolka Sool. Puntland, si kastaba ha ahaatee, waa ay beenisay sheegashadaas naadirka ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM